Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Wakiilada JSL (kulmiye) iyo Xoghaya Siyaasadda ee Xisbiga Udub oo booqasho hawleed ku yimi Finland

 

Maanta oo ay tahay 19 bisha Oktoobar waxaa booqasho hawleed ku yimi dalka Finland

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiilada JSL Mudane Baashe Muxamed Faarax (Kulmiye) iyo xoghayaha siyaasadda ee xisbiga udub Mudane Cumar Jaamac Faarax , Iyadoo ay uga bilaabmatay booqasho hawleed dhinacyo badan leh oo socondoonta ilaa 28ka bishan aynu ku jirno.
Gegidada dayaaradaha ee magaalada Helsinki waxaa ku soo dhaweeyey jaaliyadda Somaliland ee wadanka Finland iyo hawl fuliyaha ururka ISF ee Finland u jooga Somaliland, is waraysi iyo salaamo ay weftigu u soo jeediyeen xubnihii soo dhaweeyey ka dib waxaa loo galbiyey hotelka ay ka degi lahaayeen magaalada mudada ay joogaan.Waxaa kaloo isla caawa soo gaadhi doonta Magaalada Helsinki Marwo Aamina Xaaji Maxamed oo ka tirsan daladda haweenka ee Nagaad ee JSL

Waftigu Muddada ay joogaan dalkan waxay kullan ballaadhan la qaadan doonaan jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Finland.Waxaana kullanka lagu qaban doonaa Xarunta Jaalliyadda Somaliland ee Helsinki ( Nokaintie 2-3 ), maalinta Khaamiista ee 23.10.2008, Saacaddu markay tahay 5.00 galabnimo.Waxaa lagu wagelinayaa jaalliyadda in waqtiga la ilaaliyo si looga faa'iidaysto munaasabadaas.


Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad kala xidhiidhi kartaa tel: 0445564652

 

 

 



Hassan Ali Sadexle

Guddmiyaha
Jaaliyadda Soomaaliland ee Finland