Guddoomiyaha
Xisbiga Wadani oo gudoomay Musharixiinta Xamse Khayre iyo Eng.C/naasir
Haaruun

Hargeysa (TNN):- Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada iyo aqoon yahanka
Beesha deegaanka Wajaale ee Gobolka Gabiley oo ay weheliyaan
Musharax Xamse Cabdiraxmaan Khayre iyo Musharax Eng. C/naa sir
Haaruun Warsame, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha
Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’.
Kulankan ayaa la iskula qaatay in labadan Musharax ay Xisbiga Wadani
iska soo sharaxaan. Waxaanu kulankani ka qabsoomay Guriga uu
Hargeysa ka daga n yahay Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan
Maxamed Cabdillaahi ‘Cabdiraxmaan Cirro’
Sidoo kale waxa kulankan goobjoog ahaa Xildhibaan Dhagjar oo ahaa
xildhibaankii hore ee Beesha ugu jiray Golaha Deegaanka degmada
Gabiley ahaana Xildhibaankii ugu codka badnaa sanadkii 2012-kii guu d
ahaan degmada iyo Xisbiga Waddani labadaba.
Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa u sharaxan xildhibaanada
Golaha Wakiilada S/land ee gobolka maroodi jeex,Sidoo kale, Musharax Eng. Cabdinaasir Haaruun Warsame ayaa u
sharaxan Gola ha Deegaanka ee Degmada Gabiley.
Saxafi Siciid khadar
Hargaysa somaliland |