Gudoomiyaha Xisbiga UDUB oo go'aan ka qaadan kari la, cidii uu ku wareejin lahaa hogaanka

 


Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin ayey la soo deristey xaalad cakirani ka dib markii uu sameeyey balanqaadyo farabadan oo uu ku doonayey inuu iska wareejiyo  gudoomiyenim ada Xisbiga. Gudoomiyaha Xisbiga UDUB mudane Riyaale ayaa doorashadii ka dib balanqaad u sameeyey dhawr xubnood oo ka mid ah ahaa siyaasiyiinta xisbiga. Mudane Riyaale ayey hada u egtahay inuu ka fe kerayo cidii uu si rasmiya ugu wareejin lahaa talada Xisbiga. Warar ka soo baxaya dhinacyada ayaa she egaya inuu loolan adag iyo goolaaftan ka dhex socdo siyaasiyiinta. Ku xigeenka Xisbiga UDUB mudane Ah med Yusuf Yaasiin ayaa isagu soo qadimay shaqsi ay isku ardaa yihiin,Riyaalena ay Saaxiib ahaayeen xili giii uu madaxweynaha ka ahaa Somaliland. Shaqsigan ayaa la sheegayaa inaanu ahayn siyaasi ruug cada a ah balse ah aqoon yahan.


Dhanka kale, ayaa iyana lagu soo waramayaa inay ka socdaan goolaaftan iyo dhoolatusyo beelaysan oo ay wadaan Beelihii sida xooga leh u taageeri jirey xukuumadii Riyaale. Wasiirkii hore ee duulista Mudane warancade iyo Wasiirkii hore Howlaha guud , ayaa iyana la sheegayaa inay isku haystaaan musharaxa gudoomiyaha xisbiga UDUB. Waxaa iyana jira warar soo baxaya oo sheegaya in Mudane Riyaale wado qorshe ka gedisan kan,kaasoo ah inuu xisbiga ku wareejiyo shaqsi u dhashay Awdal, gudoomiye xigeena uga dhigo shaqsi u dhashay Galbeedka Burco Musharaxa Madaxweynahana tar-tan geliyo.



Mudane Riyaaale ayaa la sheegayaa in socdaalkiisa Boorame daaran yahay inuu la soo tashada beeshiis a, kadibna uu Hargeysa ku soo noqdo isagoo go,aan wata. Si kastaba arintu ha ahaatee siyaasada xisbi ga UDUB ayaa u eg mid cakiran, iyadoo ay ku hareeraysan yihiin xaalado ad-adag oo siyaasadeed, kuwa asoo ay ugu horeeyaan furista ururada oo ayba dhici karto in siyaasiyiin badan oo xisbiga taageeri jirey ka diga rogtaan oo ururoba furtaan ama ay la shuraakoobaanba, iyo tar-tanka ka dhex aloosmay siyaas iyiinta xisbiga, iyo hogaanka xisbiga oo ah mid ay yar tahay go,aan qaadashadiisu.



Dadka siyaasada Odorasa ayaa sheegayaa in siyaasada Xisbiga UDUB ku soo gebo-geboobi doonto guuld aro. Waxayna u eg tahay inay muuqato guuldaro siyaasadeed oo ku soo fool leh siyaasada Xisbiga UDU B. Dadka qaar ayaa guuldaradaas u aaneynaya siyaasiyiinta saaxada ka muuqata oo ah kooxo qowlays ato ah, kuwaasoo xambaarsan anaaniyado iyo curfi qabiil. Kooxahaas oo ku soo caan baxay inay shaca bka Somaliland beelo-u kala qaadaan.

 


 

 

Ahmed Nur Fahie