Gudoomiyaha
Xisbiga Ucid Oo Maanta U Duulay Dalka Kenya
Hargeysa (Longlivesomaliland news)- Waxaa maanta madaarka Harg eysa
ee Cigaal International Airport ka duulay gudoomiyaha xisbiga
mucaaridka ah ee UCID eng faysal cali waraabe oo ku sii jeeda dalka
Kenya.
Socdaalka gudoomiyaha ayaa markii uu duulay waxaa laga soo saaray
war-saxaafadeed, nuqul ka mida war-saxafadeed ayaa waxa uu u dhig
naa sidan
WAR-SAXAAFADEED
XISBIGA CADAALADA IYO DARYEELKA UCID waxa uu warsaxaafadeed-kiisan
maanta ku xusayaa wafti balaadhan oo maanta u kicitimay wadamada
Ethiopia iyo Kenya.
Waxa maanta abaaro 1:00 duhurnimo ka duulay madaarka weyn ee
magalada hargaysa ee cigaal international airport wafti balaadhan oo
uu hogaaminaayo musharaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga ucid ENG
Faysal Ali Warabe ahna gudoomiyaha xisbiga UCID, iyo musharaxa
jagada madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID DR, Maxamed Rashiid
Sheikh Xasan
Waftigan maanta ka duulay madarka hargaysa waxay martiqaad rasmi ah
ka haleen wadama donors ka (deeq bixiyayaasha) ee ay xarumntoodu
tahay Nairobi.
Waxaa kale oo malinta bari ah la kulmayaan wafti balaadhan oo ka
socda wadanka maraykanka oo ay hogaaminayso xoghayha arrimaha dibada
ee maraykanka Mrs. Hilary Clinton mudaas uu waftigu ku sugnaanayo
wadanka Kenya waxay la kulmi doonaan aqoonyahano, waxgarad,
ganacsato reer soomaaliland ah waxay kale oo ay la kulmi doonaan
haay,adda interpeace .
Intaas ka bacdi waftigu wuxuu ku soo laabanayaa wadanka Ethiopia
halkaas
oo ay kula kulmi doonaan safiirka engriiska u fadhiya magaalada adis
Ababa iyo madax sar sare oo ka tirsan dawlada Ethiopia
Nuxurka safarkan hogaanka sare ee ucid waxa assal u ah xaaladan
cakiran ee maanta wadanku galay oo kolay wadamadaas, kale duwan ee
ay la kulmi doonaan ay kaga wada hadli doonaan xaalad cusub ee ay
manta wadanku maraayo
Safarkan hogaanka sare ee ucid waxa uu qadaan doonaa muddo 10 cisho
ah hadii alle yidhaahdo
War-saxaafadeed kaas waxaa ku saxeexnaan xogahaya warfaafinta
xisbiga Ucid Md Abdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax)
Wabilaahi tawfiiq
Xoghayaha warfaafintaiyo saxaafada ee xisbiga ucid
Md,Abdinaasir YusufCismaan (Qodax)
qodax5@yahoo.com
Longlivesomaliland News Desk
Reported by:-Mustafe Future
mccfuture@Longlivesomaliland.com
|