Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo Maanta ka Dhoofaya Yurub Maalinta Isniintana ka Degaya Caasimada Hargeisa

 


Bristol.UK-17/02/10(TNN) Gudoomiyaha Xisbiga Qaranka ee UCID ahna Murashaxa  Madax weynaha ee Xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka dhoofaya qaaradan  Yur ub oo uu in dhawaalaba hawlo shaqo u joogay, waxaana uu Gudoomiyaha UCID maanta ka ambobaxayaa dalka Finland isaga oo dhowr maalmood ku sii hakan doona magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carbta, maalinta Isniinta ee inagu soo aadana gaadhi doona Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa.

Jariidada Somali Voice oo khadka taleefanka kula xidhiidhay isaga oo ku sugan dalka  Finl and ayaa waxa uu Gudoomiye Faysal si weyn ugu mahad celiyay Jaaliyada Somaliland ee dalka debadiisa ku nool, gaar ahaan Jaaliyadaha Yurub ku dhaqan, isaga oo uga mahad celiyay sidii diirranayd ee isaga iyo madaxda kale ee xisbigiisa ugu soo dhaweeyeen dalalka Yurub ee ay booqdeen. Waxaa kale oo uu Gudoomiyaha UCID Jaaliyadaha dalka debadiisa ku dhaqan uu ugu baaqay inay isku duubnaadaan kana qayb qaataan  horum arinta dalka, isaga oo sidoo kale aad ugu amaanay kaalinta muuqata ee dhinac kasta leh ee ay ka geysteen dhismaha iyo horumarka dalka.

" Jaaliyadaha Somaliland ee dalka debadiisa ku nooli waa geesiyaal ay taariikhdu xusi  do onto oo habeen iyo maalinba u taagan waxtarka dalkooda iyo dadkooda, waxaanay  mud an yihiin amaan, waxaan aad uga xumahay oo nasiib darro ah, hadala xanafta iyo xajiinta leh ee Madaxweyne Rayaale iyo maamulkiisu ay mar walba kula dul kufaan Jaaliyadaha debada ku dhaqan, waxaan usoo jeedinayaa Jaaliyaduhu inaanay dheg u dhigin  hadala daas aan qaban" ayuu yidhi Mudane Faysal oo tilmaamayay kaalinta ay Jaaliyadaha Debada ku nooli ay ka geystaan horumarinta dalka.

Dhinaca Kale waxa uu Gudoomiyaha UCID amaan aad u balaadhan usoo jeediyay Golaha Guurtida Somaliland oo la sheegay inay soo afjareen khilaafkii mudada dheer ragaadiyay golaha guurtida, waxaana uu Eng. Faysal tilmaamay in aan loo baahnayn khilaaf danbe oo soo kala dhex gala Golayaasha Qaranka ee kala duwan.

Ugu danbayntii Waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Waraabe waxa uu tibaaxay inay guulo la taaban karo oo muuqda ay ka gaadheen socdaalkii dheeraa ee uu ku maray dalal kala duwan oo qaaradan Yurub ka tirsan, waxaana uu Gudoomiyahu uu si guud u sheegay inay Guulo iyo Bushaarooyin wanaagsan kala kulmeen dawladaha iyo masuuliyiinta ay kula kulmeen dalalka ay marayeen, waxaana uu sheegay in Guulahaas oo faahfaahsan uu ka warbixin doono marka uu dalka hooyo ku laabto maalinta Isniinta ee inagu soo aadan.
 

 

 


Kaysar Cabdilaahi

Tafatirka Somali Voice
kaysar@europe.com
www.thesomalivoice.co.uk