Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Udub Oo Si Wadda
Jir Ah U Diiday In Ay Doorashadda Ku Galaan K aadhadhkii Horre,
Canbaarayn Culusna U soo Jeediyay Xukuumadda Taladda Haysa
Hargeysa (TNN)-Masuuliyiinta ugu Sar Saraysa Xisbiyada Udub iyo Ucid,
ayaa eedayn kulul u soo jee diyay Xukuumadda Taladda haysa ee uu
Hugaaminayo Madaxweyne Siilaanyo, Waxana ay Masuuliy iintani
Sheegeen inaanay Doorashadda Soosacota aanay ku galin Doonin
Kaadhadhkii Horre ee Diw aan galinta.
Sidaas Waxa ay ku sheegeen Shir Jaraa’id oo ay maanta Si wadda Jir
ah u qabteen Masuuliyiinta ka la Ah Madaxweyne Ku Xigeenkii horre ee
Somaliland ahna Gudoomiye Ku xigeenka Xisbiga Udub Mud ane Axmed
Yuusuf Yaasiin, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe,
Xubno ka Mid ah Wa siiraddii Horre, iyo Waliba Qaar ka mid ah
Guddida fulinta Xisbiga Ucid.
Ugu Horeyn Shirkan jaar’id ayaa waxa ka hadlay Gudoomiye Ku xigeenka
Xisbiga Udub Mudane Axm ed Yuusuf Yaasiin, waxana uu ku
nuuxnuuxsaday sidda ay lagama maarmaanka u tahay in la badd alo
kaadhkii horre.
Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka biya diiday isla markaana
Tiilmaamay inaanay ku gali doonin Kaadhkii Horre Doorashadan Soo
Socota isaga oo Arimahaasi ka hadalyaana Waxa uu Yidhi “Waxaa nu
leenahay maanta lagu gali mayo diiwaangalintii hore, koomishanoow
haddii dhawr jeer soo jeed iseen in lagu galo Diiwaanglinta lagu
gali maayo”.
Gudoomiye ku xigeenka Udub waxa uu Komishanka Qaranka ku eedeeyay
inaanay Doorashooyin ka dhacaya Dalka ay u arkaan kuwo aan Wax weyn
ugu Fadhiyin, isaga oo arintaasi ka hadlayaana Wa xa uu yidhi
“Waxaan u Aragnaa Doorashooyinka Soo socda in ay yihiin kuwo mihiim
ah, halka ay kom ishanka dooroshooyinku u arkaan mid bilaa macno ah,
sababtoo ah doorashooyinka soo socda waa labo doorasho oo isa saaran
waxaana isa saray mid waxaa lagu dooranayaa ururo siyasadeed mid na
waxaa la dooranayaa 370,waa labo arrin oo waawayn”
Dhanka Kale Waxa isna Goobtaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid
Eng Faysal Cali Waraabe, wax ana uu Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay
inaanuu Diyaar u ahayn in ay dalka ka dhacdo Dooras ho, waxana uu
yidhi “Axmed Siilanyana uma ahaa diyaar in ay Doorasho ka dhacdo
Dalka, shalay Rayaale weynu caayaynay, balse Afar Doorasho ayuu
hirgaliyey car Siilanyo midh ha hirgaliyo, haddii Siilaanyo midh
hirgaliyo, Taarikhda ayaa sheegi doonta, waxaa ka markhaatiya inaanu
mid hirgalinayn, Ninka inta uu kursiga fadhiistay 3 Sanno u
kordhiyay Barlamaankii , oo haddana Guurtidii Afar Sanno u kordhiyay,
oo haddana yidhi doorashada ha lagu galo diiwaangalintii hore marka
maaha nin diyaar u ah in ay doorasho dhacdo”
Faysal Cali Waraabe ayaa Sidoo kale ku eedeeyay Xukuumadda inaan la
fahansayn isla markaana aan la Garanayn meel ay Wax u Waddo,isga oo
arintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Dawladda hadda ee uu
Madaxweynaha ka yahay Siilaanyo meel ay wax ku wado lama garnayo
Lamana Fahmayo si ay wax u socdaan”
Sidoo kale Faysal Cali Waraabe waxa uu Dawladda ku Dhaliilay in ay
ka Marin habowaday in ay Sad dexda Xibi Qaran la Wadda hadli karaan
Wufuud Caalamiga ah ee Soo Gaadha Dalka waxana uu yidhi, “Siyaasadda
Arrimaha dibaddu Saddexda Xisbi Qaran warqad ayay soo saari jireen
oo ay ku wada saxeexaan yihiin marka ay inoo imanayaan, Hayadaha
caalamiga ahi oo ay kaga hadalayaan mawq ifka somaliland iyo
ictiraafka, hadda waxba nalagama wediiyo waxan socda ee mulukh
mulukhda ha ya annagu masuul kama nihin”.
Faysal Cali Waraabe Waxa uu sheegay in Somaliland ay la mid tahay
Maamul Goboleedyadda Soom aaliyeed ee kale, Waa Sidda uu hadalka u
dhigay e, Waxana uu Yidhi “Maanta Innaga iyo Garawe iyo Galmud
waxaynu nahay isku mid wax noo dhaxeeya ma jirto, waa maamul
Goboleedyo, waxba naftii na been ha u sheegin, wakiilka somaliland
iyo Somalia ma ahee waa wakiilka Somalia waxba nafta been ha u
sheegina, Mahiga waa wakiilka Somalia waxaan inoo yimaada oo dhami
waa wakiilada Somalia mid ay kaadhkiisa ay ku taalo somaliland iyo
Somalia ma jiro.
Innaga iyo meesha la yidhaahdo Garowe iyo Galmudug isku midbaynu
nahay waxay ku soo uruurtay arrinteenu la dagaalanka argagaxisada
wax kale oo ka hoseeya ma jirto”
Ugu Danbeyntii Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay shirarka Shir
Beeleedyada, kuwaasi oo mud ooyinkii u danbeeyay ku soo badanayay
Dalka, Waxana uu tilmaamay in ay shir beeladyaddu ka mas uul yihiin
shirkii Gar Adag, kaasi oo uu ka Qaybgalay Madaxweynaha Dalku
Wakhtigii uu ahaa Mucaa radka waxana uu Yidhi “Shir beeleedyada
waxaa ugu horeeyey kii Gar Adag isaga ayaana ahaa Hooyada shir
beeleedyada Qabiil kastaana waxaa uu ka hadlaya wixii uu tabanayo”
Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland
|