Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid iyo Wefti uu Hogaaminayo ayaa Maanata Si Heersare ah Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Burco

 

Burco (TNN)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay maagaalo  madax da Gobo lka Togdheer ee Burco halkaasi oo soo dhaweyntiisa ay ka qayb qaateen Xisbiga Mucaa ridka ah ee Kulmiye iyo dadweyne aad u tirabadan.

Wefttidan uu hogaaminaya faysal cali Waraabe ayaa waxay ka koobnaayeen  Gudoomiya ha Golaha wakiilada ee Jamhuuriayada Somaliland Mr:C/Raxmaan Maxamed  C/l aahi(Cir ro), Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Xisbiga UCID Adan Mirre Waqaf iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada isla markaana ka soo jeeda xisbiga UCID.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee ucid  Eng.Fa ysal Cali Waraabe, waxaanu sheegay inuu u mahad naqayo dadkani tirada  ba dan ee  go obtani isugu yimi waxaanu si gaara ugu mahadceliyay taageerayaasha xis bigiisa iyo xisbiga kale ee Kulmiye kaas oo ay bahwadaag yihiin marka la eego dhan aka siyaasada.

Waxaa uu gudoomiyuhu ku dheeraday horumarka uu gobolkani gaadhay taas oo uu ku  sif eeyay inay ka masuulyihiin dadka gobolkani oo isku xidhnaan muujiyay taasina ay tahay mid lagaga daydo.

Waxaa kale oo uu godoomiyuhu uga digay dadka Gobolkani ku dhaqan inay ka  dheer  aad aan qabyaalada oo uu ku sifeeyay inay tahay wax ilaahay laga magan galo loona  baahan yahay in gacanmaha lays qabsado oo wax lawada qabasado.

Ugu danabayantii Faysal Cali Waraabe oo wejigiisa ay cadho xoog lehe ka  muuqatay ayaa ereyo uu ku dhaliilayo xukuumada hada jirta halkaasi uga jeediyay dadweynihii uu kula  h adlayay xarunta dhexe ee xisbiga ucid ku leeyahay Gobolka Togdheer, isago o ku sifeeyay in xukuumada hada jirta ay tahay mid ku guuldaraysatay inay horum ariso dalka waa sida uu hadalkiisa u dhigaye taas oo uu tusaale u soo qaatay in saa ka markii uu ku soo  soc day magaaalada Burco uu soo maray Wershidii sibidhka  Berb era, taas oo uu sheegay  in ay xidhantahay oo xukuumaduna ay u diiday ganacasata dii maal gashan lahayd.

Ugu danbayntii waxa uu Faysal Cali waraabe ugu bushaareeyay dadweynaha  Gobolk ani ku dhaqan in safaradiisii uu dhawanahan ku soo maray dalalka yurub oo ku guul aystay in dib u dhis loo helo maxadkii farsamada gacanta ee Burco.

Waxaa kale isaguna halakaasai ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo isagu  wax hadala aan halkaasi ka soo jeedin balse sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin soo dhawey n ta balaadhan ee loo sameeyay xisbigooda.

Maaha markii ugu horaysay ee uu yimaado Eng.Faysal Cali Waraabe balse  imaanshih iisan ayaa ku soo beeganatay xili lagu casuumay xaflad loo samaynayo maalinta beri ah arday ka qalinjebinaysa Jaamacada Burco.

Ugu danbayntii waxaa ayaamahanaba isa soo taraysay soo dhaweynaha loo  samay nay ay axsaabta Somaliland kuwaasi kuwaasi oo ay dadka qaar qabaan inay wadaan olole  qa rsoon oo dhanka Siyaasada ah, balse soo dhaeyntooda ayaa ku soo aadaysa xili aanay Gudida Komiishanka qaranku astayn maalinta ololuhu ka bilaabmayo guud ahaanba  Somal iland.
 

BY:Maxamed Cawed Maxamed
E-mail:cawad05@hotmail.com
Freelance Journalist,  Buroa