Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo Si adag uga hadlay Rabshadihii Saaka

 


Hargeisa (Longlivesomaliland News)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee  Kul miye, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shaqaaqadii maanta dhacday eedeeda dusha uga tuuray Xukuumada Somaliland. Waraysi ay BBC-du la yeelat ay ayaa uu ku sharxay mawqifka xisbigoodu ka qabo arintaasi


“ mar ka hore waxa aynu is waydiinaynaa arintani sida ay ku dhacday iyo sida ay ku timid, iyo cida masuuliyadeeda iska leh. Waxay ku dhacday Golihii wakiilada ee ay Ummadu soo dooratay markaasay Dawladu, isaga oo Goluhu hawshiisii iska wata intay u timid ka qufushay golihii oo tidhi, gali maysaan. Arintaa buuq iyo qaylo badan ayaa ka dhacday shacbigii wuu taageeray axsaabta mucaaridka ahi way taageertay oo dunidu way taageertay aad iyo aadna waa loola yaabay in markii golihii uu diiday in uu u fulliyo wixii uu rabay uu isaguna quful ku jabiyo si badheedh ah. Waa golihii qudha ee doorasho shacbi ku soo baxay. Markii ay taasi dhacday ee hawshii la dhex galay oo ilaa United Nation-kii iyo cid kastaaba ay soo gashay ee la yidhi, goluhu xaq ayuu u leeyahay in uu shirkiisii fadhiisto oo  muftaa xiisii loo celiyo ayaa maanta laga carqaladeeyay iyaga iyo shacbigii taageeri  laha aba”

Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in Dadwaynaha si badheedh ah Xabad loola dhacay, golayaashii la iska hortaagay shaqadoodii iyada oo waxa ugu badan ee ay usocdeen ay ahayd uun in ay taageeraan golaha wakiilada oo shaqadoodii laga hor istaagay, waxaana uu gudoomiyuhu arintaa masuuliyadeeda dusha ka saaray Daahir riyaale iyo xukuumadiisa.

Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye mar la waydiiyay su,aal ahayd Salaadiintii Xalay soo dhex gashay miyaanay Xal ka gaadhin khilaafkii oo aanay ku wareejin shir  gudoo nka Furayaashii , maxaase sababay rabshadahan saaka? Waxaa uu kaga  jawaa bay “ waxaa keenay saaka buuqa shirkii uu qabsanlaa goluhu furihii waa loo  kee nay laakiin xaqiiqda dhabta ahi waxay tahay xubnihii baarlamaanka ee ku  balans anaa waa loo diiday inay halkaa yimaadaan, oo dariiqii waa laga xidhay intoodii badnaydna may iman golaha”

Mar la waydiiyay su,aal kale oo ahayd Eedaynta xukuumadu usoo jeedisay  kulmi ye iyo shirgudoonka Golaha wakiilada inay ka danbeeyaan Rabshadihii maanta ka dhacay hargeisa waxaa uu kaga jawaabay “Horta taasi waa ayaan daro waana hadal meel waayay, inuu yidhaahdo way ka danbeeyaan. Waanu cadaynaynaa mowqifkayaga, kamana danbayno arintaasi, waxaanu taageersanahay in Golaha shaqadiisa iyo shirarkiisa loo daayo, khalkhalka iyo iibka lagula dhex jiro laga daayaa, Cabudhinta laga daayaa, Xabada laga daayaa, oo aan ciidamada qalabka sida loo adeegsan, taasina xisbiga kulmiye oo kaliya maahee xisbiyada  mucaari dka oo dhami waanu isku raacsanahay Go,aamo cadna waanu ka soo wada  saarn ay, Halkaana saaka waa loo wada dhamaa waxaana iskugu yimi dadkii  taageer ayay oo dhamaa sida Xisbiga kulmiye, Ucid, Ururka udhis, Isbadel doonka UDUB, intaasi iyo shacbigii taageerayayba way udhamayd waxaanay taageerayeen in Golaha mafaatiixdiisii loo celiyo shaqadiisana uu guto”

Su,aal kale oo la waydiiyay Axmed Siilaanyo oo ahayd hadii madaxwaynuhu wada hadal uu ogol yahay oo uu gogol idiin fidiyay maxaad ku diidantihiin ee aad aritiina wada hadal ugu dhamayn la,dihiin? waxaa uu kaga jawaabay “ waxaanu ku  diida nahay wada hadal marka sharciyada lagu soo noqdo, toban jeer ayaanu wada fadhiisanay oonu wada hadalnay, oo la na dhex galay, oo balan uu noo qaaday, balanadiina kuligood wuu ka wada baxay, googol baan fidinayaa, marka loo  baah anyahay in lawada tashodo, goorta doorasho la qabanayo, goorta wakhtigu  dha maanayo lagama tashado, markuu ficilka qaado ee uu talaabo kasta qaado, uu talaabo kasta ku dhaqaaqo, ayuu badabeeto yidhaa googol baan idiin fidinayaa, Gogoshiisa anagu uma baahnin waxaanu ubaahanayahay marka ay hawluhu yaaliin ee sharciyadu ay taagantahay in la isku yimaado oo laga wada tashado oo maxaynu yeelnaa layidhaahdo ayaa loo baahanyahay oo uu go,aamadiisii ka  noq do oo uu sharciyadii ku soo laabto”

Su,aashii ugu danbaysay ee Axmed siilaanyo la waydiiyay oo ahayd bal waxa uu isagu Gudoomiye ahaan Xalka u arko waxa uu kaga jawaabay “ Horta aad iyo aad ayay ayaan daro ugu tahay dadkiisa shacbigiisa axsaabtiisa, Marwalba cida ka tanaasulaysaa waa iyaga, cida la cabudhinayaa waa iyaga, taanu doonayno  inaa nu ilaalino waa nabadgalyada, taanu doonaynaa waa dimuqraadiyada, taanu  doo naynaa waa xuquuqdii dadka intaas oo dhan ayaanu doonaynaa runtii cida  dumi naysa ee xabada la dhacaysaa waa maxwayne riyaale iyo maamulkiisa, colaada iyo boobka iyo cabudhinta ka daaya oo baarlamaanku shaqadiisa ha guto ee ka daaya, oo doorasho xor iyo xalaal ah aan galno, wakhtigaagii hadii uu sedex iyo afar jeer dhamaaday, balamadaadii oofiyoo wakhtigu marka uu kaa dhamaado xilka iska wareeji, xilka cid dhex dhexaad ah oo doorashada ina gaadhsiisa ku sii wareeji”


 




Mustafe Future

Longlivesomaliland News Reporter
Hargeisa/Somaliland