Gudoomiyaha Xisbiga
Kulmiye Oo Sheegay Inaanu Heshiiskooda Ku
Jirin In Qaar Ka Mid Ah Xubnihii Hore
Ee Komishanka Dib Loo Soo Magacaabayo

“Waxa
Dhamaaday Ka Takhaluskii Komishankii Hore Qofka Aad Soo
Magacaaba ysidna Ma Malaynkartid Ilaa Uu Hawl Galo Oo Cilmi Qayb Ma
Tihid, Anaguse Xu bin Baanu Leenahay Oo Mana Qabo In La Soo
Celiyo Kuwii Hore” Axmed Siilaanyo
Hargeysa (Longlivesomaliland News) - Guddoomiyaha xisbiga
Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa ka digey in marlabaad
la soo magacaabo todobadii xubnood ee Komishanka doorashooyinka,
kuwaas oo dhawaan la kala diray, isagoo intaa kudaray in
magacaabistii xubnaha cusub ee Komishan ka ay si dhakhso ah
uga hawl gali doonaan hogaamiyeyaasha saddexda xisbi Qaran.
Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Siillaanyo waxa kale oo uu sheegay in
xubintii ay usoo magacaabi lahaayeen Komishanka ay diyaar tahay,
maalmaha soo socdana ay hogaamiyeyaashoodu wadajir iskula naaqishi
doonaan xubnaha cusub ee Komishanka ay u soo kala magacaabeen.
Waxaanu sidoo kale tilmaa may in xubinta ay soo magacaabayaan
ay noqon doonto xubin tayo leh oo jagadaasi u qalanta.
Axmed Siilaanyo waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska
Haatuf khadka Telephone-ka xog waraysi khaas la yeeshay, waraysigaas
oo aanu wa x kaga weydiinay arrimo ku saabsan magacaabista
Komishankii cusub iyo kala dirida Komishankii hore iyo arrimo kale
waxanu uu u dhacay sidan:
S. Goorma ayaad soo magacaabaysaan
Komishanka doorashooyinka ee cusbaa maadaama aad kala dirteen
todobadii xubnood ee hore?
J. Xubnaha cusub ee aanu Komishanka
usoo magacawnay waanu iskula taga ynaa si aanu u wada
naaqishno aqoonta iyo tayadooda, marka aanu isla waa faqno ee
aanu isla wada ansixino ayaanu wadajir u wada gudbinaynaa inii
hor se waxaanu ku guda jirnay sidii looga takhalusi lahaa Komishanka
hore, nasiib wanaag ka takhaluskoodii waa dhamaaday oo iyagaaba is
casilay waanay noo fududeeyeenhalkii golaha wakiilada laga horgeyn
lahaana iyagaaba fududeeyay
S. Maadaama hore isula go’aamiseen in
la wada eryo gebi ahaanba Komishankii miyaanu wakhti ku lumaynin
dhismaha xulashada Komishanka halkii loo baahnaa inaad dedajisaan,
taa sideed u aragtaa?
J. Wakhti lumay ma jiro oo shalay ayay
naga soo afjarantay, mana filayo in w akhti badan ay qaadan
doonto muddada lagu soo dhisayo Komishanka cusub, oo kulankayaga ugu
soo horeeya ayaanu ku guda-galaynaa xubnaha la soo magacaabo
S. Goorma ayaa isula tagaysaan xubnaha
aad soo magacawdeen?
J. Runtii odhan maayo waa beri iyo
saadambe laakiinse si dhakhso ah ayaanu u kulmaynaa
S. Xubnaha Komishankii hore aad kala
magacawdeen hogaamiyayaashiina axs aabta mucaaridku iyo
madaxweyne Rayaale ayaa waxa dhaliilo la idiinka soo jeedinayaa
inaydaan ka fiirsan xulashadoodii hore, taas darteedna aad masuul ka
tihiin fashilaada ka timid xilgudashada Komishanii hore, arimahaasi
sideed u aragtaa maxaadse ka leedahay?
J. Dadku waa basher oo cidi ma malayn
karto waxa ugali doono iyo wqaxa u gudi doono ilaa ay hawl galaan ma
qiyaasi kartid oo cilmi qayb ma tihid waxa uu noqon doono
hawlgalkiisu, anaguse xibi ahaan xubintayadii aanu u magaca
abi lahayn waxaanu u aragnay, xubin xilkaasi ka soo bixi doonta ,
qolooyinka kalena laftooda waxaan filayaa inay xubnaha ay soo
magacabaan ay sidaa u arkayan, nasiib darose xubnahaasi hore
iskumaba arkaan inay wax kharibeen oo xilkii loo dortay ay gabeen ,
anaguse xisbi ahaan xubintayada waanu ku dadaali doonaa oo qof
xilkiisa ka soo baxa ayaanu keeni doonaa.
S. Inkastoo aad heshiis ku wada
gaadheen in lasoo magacaabo Komishan cus ub hadana waxay
wararku sheegayaan in madaxweyne Rayaale golaha guur tida iyo
xisbiga Ucid ay soo magacaabi doonaan qaar ka mid ah xubnihii hore
ee Komishanka arrinkaa sideed u aragtaa, miyaanuse heshiiskii ka hor
imanay n?
J. Qodobkaa bedelaada Komishanka hore
ayaanu isugu raacnay in dhamaant ood la bedelo mana filayo in
xubnahaa is casilay la soo celin doono , aniguse shaqsiyan uma arko
in cid kamid ahayd la soo celiyo, marklaanuse wadajir isug u
tango waanu ka wadahadli wixii jiraba.
Source:Haatuf
|