Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye oo jawaab ka bixiyay talaabada
Madaxwayne Rayaale ku Soo celiyay Ilhaan Maxamed Jaamac oo ahayd
Xubintii Ay U Xuleen KDQ Ee Cusub.

Mudane Madaxweyne waxaan kaa rajaynayaa in laga fogaado wax kasta oo
caqabad ku noqon kara habsami-u-socodka heshiiskii lixda qodob ka
koobnaa...
Hargeisa (Longlivesomaliland
News)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Mudane, Axmed
Maxamed Maxamuud(Siilanyo) ayaa maanta waraaq u diray Madaxwayne
Daahir Rayaale Kaahin taasi oo Nuxurkeedu ahaa in ka xun yahay in
Madaxwaynuhu uu soo celiyo Marwo Ilhaan oo ah gabadh uu xisbigiisu u
magacawday in ay ka mid noqotay ama ay ku fadhiisato kursiga uu
Xisbigoodu ku leeyahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.
war-saxaafadeed uu arintaasi kaga hadlayo Guddoomiyuhu ayaa waxa uu
u qornaa sidan:
Mudane Madaxweyne,
Tixraac warqaddaada sumaddeedu tahay JSL/M/GXK/009, ee ku
taariikhaysan 10/10/09, kuna saabsan soo celinta dhinacaaga ka timi
ee Xubinta Xisbiga KULMIYE u soo xulay KDQ Marwo Alhaan Maxamed
Jaamac.
Haddaba, Mudane Madaxweyne, kuma hayno shuruucda dalka meel awood
kuu siinaysa inaad kala shaandhaysid xubnaha loo xulayo KDQ, taasoo
cidda keliya ee sharcigu awood u siiyey tahay Golaha Wakillada JSL.
Sida ku cad waraaqdaada xogta aad u cuskatay inaanay Xubintaasi (Ilhaan)
buuxin shuruudaha, maaha mid ku salaysan xog-ogaalnimo
Laga bilaabo Shirweynahayagii Hargeysa March, 2008, iyo kii Golaha
Dhexe ee Xisbigayaga Burco August, 2008, waxa jira xubno muhiim ah
oo ka mid ahaa Guddiga fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga oo ka
tegay Xisbiga, kuwaas oo qaarkood Ururo furteen, qaarkoodna
Xisbigaaga ku biireen, qaar kalena danohooda gaarka ah uga tageen
Xubinnimadii Xisbiga, kuwaas oo ay ka mid ahayd Ilhaan Maxamed
Jaamac, eeg lifaaqa la socda qoraalkan.
Mudane Madaxweyne, waxaan kaa filayaa inaad ku qanci doonto
qoraalkeygan.
Sidoo kale, Mudane Madaxweyne waxaan kaa rajaynayaa in laga fogaado
wax kasta oo caqabad ku noqon kara habsami-u-socodka heshiiskii
lixda qodob ka koobnaa.
Waxaan kaa rajaynayaa inaad Xubnaha Komishanka sida ugu dhakhsaha
badan ugu gudbiso Golaha Wakiillada si ay waajibaadkooda sharci uga
gutaan.
Wa Billaahi Tawfiiq
Md. Axmed Maxamed Siilaanyo
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE
Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE
Somaliland, Hargeysa
|