Gudoomiyaha Xisbiga
Kulmiye oo Dhaawac Fududi ka soo Gaadhay
Misigta

Hargaysa(LongliveSomaliland).Xisbiga
Kulmiye oo galabta ka hadlay dha awac soo gaadhay Guddoomiyaha
Xisbigaasi Mud. Axmed Siilaanyo.
Guddoomiye-xigeenka 2aad ee Xisbigaas Cabdiraxmaan Cabdiqaadir
Faarax oo War-Saxaafadeed kooban galabta ka soo saaray arrinta
Guddoomiyaha, ayaa sheegay in Dhakhaatiirtu caddeeyeen in aanu
Gudoomiye Siilaanyo wax kale oo dhaawac ah qabin, balse ay Misigta
ka soo gaadhay jabniin fudud.
War-Saxaafadeedkaa kooban ayaa wuxuu u dhignaa
sidan;
“Waxaanu umadda la socodsiinaynaa in saaka abbaaro 7:00 subaxnimo uu
guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
isaga oo isleh soo lugee, uu ku turunturrooday Jaranjarta barandaha
Gurigiisa. Ka dib markii Cusbatalka Hargeysa la geeyay, waxa
Dhakhaatiirtu caddeeyeen in uu Jabniin fududi ka soo gaadhay Misigta.
Waxa kaloo ay dhaqtaradu caddeeyeen inaan wax kale oo dhaawac ahi
soo gaadhin Guddoomiyaha. Guddoomiyaha oo hadda ku sugan Gurigiisa
waxa ay Dhakhaatiirtu kula taliyeen in uu Gurigiisa ku nasto in
muddo ah.”
Weriye Mustafe C/kariin Cali
Longlivesomaliland News
Hargeisa Office
|