Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Axmed Siilaanyo oo ka Hadlay Mudaraadkii Shalay ee Wajaale

 

Hargeisa (Longlivesomaliland News)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xalay Shir-jaraa’id ku  qab tay Hargeysa, ayaa ka hadlay Isu-soo-baxan Dadweynaha ee ka dhacay Tog-Wajaale. “Maanta (shalay) waxa Tog-Wajaale ka dhacay arrin aad iyo aad u  fo ol-xun oo Maamulka maanta jiraa kula kacay dadweyne halkaa degan.

Xisbiga UDUB iyo Maamulka maanta jiraa ay doonayeen in ay iyagu bannaan-bax sameeyaan oo ay cid taageerta helaan, ayaa dadweyne farobadan oo  taageer aya oo aad ugu baaqayay Xisbiga KULMIYE iyo XIsbiga kale ee Mucaaradka ah ay halkaa isugu soo baxeen, kuwaas oo diidanaa wixii Maamulkani waday inay  o golaadaan.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo,

waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Shacabkaa aad isugu soo baxay, ayay  Xu kuumaddu ka gadooday oo ka xumaatay, waxay kula kacday falal fool-xun. Wax ay xidh-xidhay Shacabweyne faro badan oo ay Xorriyadoodii ka qaadday, sida ay mar walba yeesho ee caadada u noqotay ee ah, in marka hawshoodu ka  xu maato ama dadweynuhu dareenkiisa dhabta ah muujiyo ee uu tuso halka uu ka taagan yahay Maamulka maanta jira, lagula kaco Xabsi, Xadhig iyo xadhig.”


Guddoomiyaha Kulmiye wuxuu sheegay in dad lagu xidh-xidhay, isla markaana wuxuu cambaarayn u jeediyay Maamulka Degmada Wajaale iyo guud ahaan  Xu kuumadda. “Maanta (shalay) waxa Warku nagu soo gaadhayay oo aanu halkaa kala soconay hadalladoodii iyo baaqyadoodii ay ku taageerayeen Axsaabta  Muc aaradka ah, kagana soo horjeedeen dawladda iyo falalkii markii dambe lagula kacay dad aad u tiro badan oo u badan Dhalinyaro iyo Dumar oo Xasbiga loo tax aabay.

Aniga oo ku hadlay Afka KULMIYE waxaan cambaarayn u soo jeedinayaa  Dawl adda iyo Maamulka halkaa (Wajaale) ka dhisan oo aanu leenahay waa in si  deg deg ah xorriyaddoodii loogu soo ceshaa oo ay Dawladdu faraha ka qaaddaa. Dadkana waxaanu u soo jeedinaynaa hambalyo aad iyo aad u ballaadhan. Waxa ananu idin leenahay gobol iyo degmo kasta oo dalka ah waynu ognahay, Shac abkaad ka mid tihiin, dareenkaana waa laydinla qabaa, ha u biqina oo ha ka hadhina ee xaqa ku taagnaada.”
 

 



Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Office