Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka JAMHUURIGA Oo Xadhiga Ka Jaray Maanta Xafiiska Xarunta Guud Ee Magaaladda Hargeysa

 



Hargeysa (TNN)- Gudoomiyaha Urur siyaasaddeedka Jamhuuriga Mudane Cismaan Xasan Mirre ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray Xafiiska Guud ee uu ururku ku yeelanayo Magaaladda Hargeysa.

Munaasibaddii xadhiga lagaga jarayay ee Xarunta Guud ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxa dda ugu sarsareysa ee urur Siyaasadeedka JAMHUURIGA, Aqoonyahano iyo iyo Dhalinyaro, Haween iyo Marti sharaf kalle.

Gudoomiyaha urur Siyaasadeedka Jamhuuriga oo khudbad dhinacayo badan taabanaysa ka j eediyay Madashaasi ayaa sheegay in uu ururkiisu gacmo furan ku soo dhoweenayo cid kasta oo daneenaysa ururkan, waxana uu sheegay in loo baahan yahay in wax badan la baddalo, is la markaana uu ururkani diyaar u yahay in uu dalka uj horseeddo dhanka wanaagsan.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in uu ururkoodu soo dhoweenayo isla markaana uu diyaar u y ahay Dhalinyaradda, waxana uu intaasi ku daray in uu ku qiimayn doono wax qabadkoodda “Waxaanu soo dhoweenaynaa da’yarta lab iyo dhadig anagga oo ku qiimayna wax qabadkoo dda” ayuu yidhi Gudoomiye Cismaan Xasan Mirre.

Gudoomiyuhu waxa uu balan qaaday inaanuu gudoomiyuhu noqonayn mid cid gaar ahi lee dah ay, waxana uu intaasi ku daray in uu ururkani ka dhaxeeyo cid kasta “Waxan halkan ka sheeg ayaa inaanuu ururkani noqonyan urur cid gaar ahi lee dahay” ayuu yidhi Gudoomiyaha urur Si yaasadeedka Jamhuurigu.

Gudoomiyuhu waxa uu carabka ku dhuftay in ay dhowaan u bixi doonaan Goboladda Dalka So maliland, si ay xafiisyo cusub uga soo furtaan gabi ahaanba goboladda iyo degmooyinka Dalka “Dhowaan waxa aanu u bixi doonaa Goboladda dalka, Somaliland, oo aanu ka soo furan doono Xafiisyo cusub”, ayuu yudhi Cismaan Xasan Mirre.

Sidoo kale waxa iyana halkaasi ka hadlay Aadan Maxamed Diiriye (Aadan Ruush) iyo iyo Aqoo nyahan As-haari, waxana ay sheegeen in uu ururkani daneenayo isla markaana uu diiradda saarayo, baahiyaha kala duwan ee bulashadda in uu wax ka qabto, waxa ay tilmaameen in uu ururkani waxa weyn ka qaban doono arimaha caafimaad, waxbarasho, dhaqaalle iyo in la soo saaro dhalinayaro leh xirfadaha aqoon ee kalle duwan.

Masuuliyiintani waxa ay sheegeen in Saddexddii Xisbi ee horre u jirey ay ku fashilmeen arimo badan, tanina ay sababatay in ururo badani ay samaysmaan, balse waxa ay intaasi ku dareen in ururka JAMHUURIGU uu ku duwan yahay dhamaan kuwii horre u jirey “Saddexdii horre Xisbi ee horre u jirey waxay ku fashilmeen in ay dhexdoodda iska maamulaan” ayuu yidhi Mr As-haari.

Dhanka kalle waxa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka ururka Jamhuuriga Xasan Maxamed Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabaha uu ururkani ka shaqan doono iyo ujeedooyinka ururkan.

Isku soo wadda duuduub oo xaruntan ayaa noqon doonta xasrunta guud ee laga maamuli do ono islamarkaana laga arinsan doono hawlaha iyo waxqabadka ururka JAMHUURIGA.
 


Cali-mahdi cismaan axmed
Timacade News Desk
Hargeysa office