Gudoomiyaha Siyaasada ee Xisbiga UDUB oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay
Hadal Ka Soo Yeedhay Cali Mareexaan
Gudoomiyaha Siyaasada ee Xisbiga
UDUB Mudane Cumar Jaamac , ayaa caawa jawaab kulul ka bixiyay hadal
dhawaan ka soo baxay Xildhibaan Cali Mareexaan oo ka tirsan Xisbiga
KULMIYE.Warsaxaafadeed uu soo saaray Gudoomiyaha Siyaasada ee
Xisbiga UDB Mudane Cumar Jaamac ayaa u qornaa sedan:
Hadalka madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed
Yuusuf Yaasiin, ma aha mid laga raadin karo olole siyaasadeed. Waxa
wax lala yaabo ah in xildhibaan Cali Xasan Maxamud (Cali Mareexaan),
ku faafiyo saaxafada iyo Idaacadaha dibad yaalka ah ee loo samaystay
in ummada Somalailand lagu kala qaybiyo warar ka fog xaqiiqada iyo
gooni isu taga Somaliland.
Waxa shacabka reer Somaliland si marag ma doonta ah u wada og yahay
inaanay jirin cid kaga adag qaddiyadda gooni isu taaga Madaxweynaha
iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland.
Qadiyada gooni isu taaga Somaliland waa go,aan shacabku u codeeyeen
aftidoodana ku dhiibteen, mana jirto cid ka noqon kartaa.
Waxan shacabka reer Somaliland u sheegaynaa inaanay ceebi ku jirin
in la yidhaahdo Somaliya waxa taladeeda qabtay dad aan wada hadli
karo, cidna uga habran mayno inaan qadiyada madax bannaanida
Somaliland albaab kasta u garaacno meel dheer iyo meel dhowba.
Xilkaasina waa mid saaran cidda shacabku u igmaday.
Mana jirto maanta qorshe miiska saran oo wada hadal dhex mara
Somaliland iyo Somaliya.
Waxan xildhibaanka u sheegayaa inaan qarannimo lagu dhisi karin
tolla’ayda uu wado,waxaanan kula talinayaa in uu Xisbiga Xagga dambe
u fadhiisto oo uu u muuqdo nin u hadlaya Xisbi Qaran oo la wada
leeyahay, oo aan cid gaar ihi lahayn”
Somalilandnation
|