Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo Qasriga Madaxtooyada ku Dhaariyay Wasiiro

 


Hargeysa (Timacade News)-Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Mudane, Siciid Cadaani Mooge, ayaa u qornaa sida tan “Guddoomiyaha Maxkamadda  Sar re Mudane Maxamed Xirsi Oomane waxa uu maanta si rasmi ah ugu dhaariyey  Madaxwe ynaha hortiisa Mudane Daahir Rayaale Kaahin wasiiraddi Cusbaa ee dhawaan xilalka loo magacaabay.


Wasiiradaasi oo qaarkood ay la wareegeen xilalkii wasiiraddii geeriyooday Illaahay ha u naxariistee, kuwa kalena ay la wareegeen wasiiraddii xilalka laga qaaday.


Wasiiradda maanta la dhaariyey waxa ay kala yihiin kuwan hoos ku xusan


Xuseen Caynaan Faarax W/Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha.
Cabdi Xirsi Ducaale Wasiiru Dawlaha Wasaadda Kalluumaysiga.
Saleebaan Warsame Guuleed W/Wasaaradda Gaashaandhiga.
Farxaan Jaamac Ismaaciil Wasiiru dawlaha Arrimaha Gudaha.
Maxamed Axmed Faarax Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dalxiiska.
Muuse Cabdi Muxumed Wasiiru Dawlaha Macdanta iyo Biyaha.
Maxamed Yuusuf Cismaan Wasiirka Dib-u-dejinta.
Axmed Aadan Ismaaciil Wasiir Xigeenka Arrimaha Dibadda.
Cabdi Yuusuf Aadan Wasiir Xigeenka Dhalinyarrada iyo Ciyaaraha.


Wasiiradaasi maanta uu guddoomiyaha Maxkamada Sarre uu ku hor dhaariyey  Madaxwey naha JSL hortiisa waxa kale oo isaguna goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed yuusuf Yaasiiin.


Waxana uu madaxweynuhu wasiiradaasi cusub oo qaarkood ay in mudda ah xilka soo  hay een uu u rajeeyay in Illaahay ku guuleeyo xilka ay Qaranka u hayaan”.

Source:sn