Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Ka Hadlay Inaanay Jiri Doonin Hayad Warbaahineed Oo Danbe Oo Layska Xidhi Doono Kana Hadlay Xadhiga Xidigaha Geeska

 



Hargeysa (TNN):-Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland,Adan Xaaji Cali Axmed, waxa uu sheeg ay inaanay jiri doonin wariye iyo hay’ad warbaahineed oo la iska xidhi doono waxaanu h adalkiisa ku bilaabay, "Marka ay timaado saxaafada waxaanu raacnay wado cusub oo aanu doo nayno in mihnada saxaafada iyo saxafiga inaan loo xidhin mihnidiisa marka uu gudanayo, hadii l agu haysto wax danbiya mihnadiina aan la xidhin saxafigiina aan la xidhin,laakiin dacwad lagu fu ro wixii ay maxkamadu soo saar tana lagu xukumo laakiin aan xukunkii maxkamada laga hor da gin,”Ayuu yidhi gudoomiye Aadan Xaji Cali oo la hadlay BBC.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay xadhiga qaar ka mid ah fanaaniinta xidigaha Geeska, waxaanu she egay inay ka duwan yihiin saxaafada waxaanu yidhi "Fanaaniintu way ka duwan yihiin saxaafad a, fanaaniinta, salaadiinta iyo dadka caanka ah hadyo jeer hadii lagu eedaynayo danbi ka dhan ah qaranka iyaga marka hore Booliska ayaa baadhis sameeya haddii la arko inuu danbi dhacay waxa la maraa habkii caadiga ahaa waaran ayaana la dalbadaa dabadeedna waa la soo qabtaa, anagana halkaas waxa nagaga waajib ah inaanu hubino marka waaranka la jarayo inuu buuxo gal dacwadeedku oo shuruudihii laga helay iyo hadhaw marka maxkamada la keeno inay helaan garnaq cadaalad ah.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somalila nd.

Gudoomiyaha maxkamada oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qaabka hada loo xidho wariy ayaasha, waxaanu tilmaamay inay hadyo jeer khalad galaan ciidamada Boolisku waxaanu yidhi mar kale "Mararka qaarkood khalad ayaa dhaca xaga booliska ka yimaada kaas oo ah in qofkii mudo gaaban la qabto iyada oo aan wax waaran ah laga wadan maxkamada, marka kaliya ee maxkamaduhu qofku u xisaabsan yahay waa marka ay iyagu waaran sharci ah soo saaraan, qofkana waaran la,aan laguma xidhi karo, anaguna hab cusub ayaanu raacnay kaas oo ah inay saxaafadu leedahay hab gaar ah kaas oo ah in dacwad lagu furo, mudadii aan gudoomiyaha ah aana waxa maxkamada soo galay sadex dacwadood oo saxaafada la xidhiidha si caadiya ayaa na dacwada loogu furay iyaga oo xora oo dibada joogana ayey looyaro qabsadeen waana y is difaacayaan, wax xadhig ah oo mihnad la qufulayo ama qof saxafiya la xidhayaa ma jiro.” Ayuu yidhi Gudoomiye Adan Xaaji Cali .