Gudoomiyaha Kulmiye Oo
Rayaale Ku Eedeeyay Inaanu Fulin Ba lanqaadkii
Sii Daynta Dadkii Mudaharaadada Loo Xidh-Xidhay, Kuna Tilmaamay
Siyaasada Xukuumadiisa Mid Fashilan Oo Ku
Guul-Daraysatay Taageeradii Shacabka

“Madaxweynaha Ballamaha Uu Qaado
Iskuma Wanaagasana, Waxaanan Ku Faraxsanahay Dareenkii Shacabku Ay
Ku Muujiyeen Inaan Rabitaankooda Lagu Iibsan Karin Shillimaad,
Waxaanay Muujisay Siyasada Xukuumada Ee Faashilka Ah” Axmed
Siilaanyo
Hargeysa (Longlivesomaliland News) - Guddoomiyaha xisbiga
Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa madaxweyne Rayaale ku
eedeeyey in aanu waxba ka fulin bal anqaadkii uu ka
balanqaaday heshiiskii ay lixda qodob ku kala sexeexdeen ee uu ka
shee gay in la sii dayn doono dadkii lagu xidhxidhay mudaharaadyadii
lagaga soo horjeeday talaabadii ay xukuumadu albaabada ugu xidhay
xarunta golaha wakiilada, oo uu tilmaa may inaan hal qof laga
si dayn isagoo ku tilmaamay inaanu madaxweynuhu balamada uu qaado
waxba ka fulinin, isagoo intaa ku daray in xukuumadu ay hantidii
qaranka ay u ade egsanayso kasbashada taageerada shacabka oo
uu tilmaamay in shacbigu ay ka hor yim aadeen ololeyaal uu
sheegay in lacago loogu adeegsanayay dhalinyarada caasimada, wa
xaanu sidoo kale Ax,med Siilaanyo golaha wakiilada ku hambalyeeyay
talaabdii ay ku ans xiyeen xubnaha komishanka doorashooyinka
cusub, oo uu si rasmiya u sheegay in xisbi ahaan ay la shaqayn
doonaan.
Gudoomiyaha Kulmiye waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka
Telephone-ka wa rgeyska Haatuf xog waraysi kula yeeshay, kaas
oo uu si rasmiya ugu cadeeyay in xisbi ahaan ay soo dhoweynayaan
komishanka doorashooyinka qaranka ee la ansixiyey isagoo Muj
Siilaanyo arrinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Golaha wakiilada
talaabadaa ay ku a nsixiyeen xubnaha komishanka doorashooyinka
cusub waanu soo dhawyanyanaa waan anu ku hambalyaynaynaa
waajibaadkoodii ka saara, komishanka cusubna waxaanu ilaa hay
uga baryaynaa inuu ka dhigo kuwo xilkooda u guta si dhexdhexaadnimo
ah dalkana ka suurto galiya doorasho xor oo xalaal ah wixii
munaasabada dhaartooda ka dambee yana waxaanu soo jeedinaynaa
inay si toos ah u gudo galaan hawlahoodii qabanqaabada doorashada
madaxtooyada, anaguna xibi ahaan waxaanu cadaynaynaa una
balanqaadaynaa inaanu la shaqayn doono”
Gudoomiye Axmed Siilaanyo mar uu ka hadlayay arrimo ku saabsan
lacago la sheegay in xisbiga Udub lacag u qaybiyey dhalinyaro ka
tirsan xisbiga Kulmiye oo degan xaafado ka tirsan degmooyinka 26June
iyo koodbuur ee magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi “Wax aan
aaminsanahay inay ku fashilmeen oo aanay ku guulaysanaynin
dadweynaha iyo dha l;iyarada xaafadaha kala duwaninia waxay
dareenkooda ku cadeeyeen sidii dhawaan ay cadeeyeen-ba inaan
shillimaad lagu iibsan karin, xukuumadana ay nacasnimo weyn u tahay
lacagtii dalka wax loogu qaban lahaa ee dhilyarada shaqooyin loogu
abuuri lahaa ee lagagala dagaalami lahaa baddaha ay nafahood ku
haligayaan, in nasiib daro ay si qaloocan u adeegsanayso waxaanay
muujinaysaa siyaasad xumadooda faashilka ah iyo ujeedada qaloocan ee
ay u adeegsanayaan dhaqaalhii dalka wax loogu qaban lahaa, waxaanse
ku faraxsanahay gudoomiye ahaan in dhalinyaradii iyo waxgaradkii
ummadu-ba ay iska garteen waxaan damiirkoodu munaasib ku ahayn,
arrimahaana xukuumadu iyada ayaa ku ceebaysan”.
Gudoomiye Siilaanyo mar aanu weydiinay in madaxweynaha ay kala hadli
doonaan inaan hantida qaranka lo adeegsanin iyo warbaahinta
qaranka-ba ololaha doorashada madax tooyada waxa uu yidhi
“markasta madaxweynaha waanu kala hadlaa inaan hantida qara
nka aanay u adeegsanin musuqmaasuq iyo ku takri fal nasib daro-se
waxba kuma qaad anayo oo arrimhii aanu madaxweynaha kala
hadalay ee uu ka balanqaaday munaasibadii aanu ku kala sexeexanay
heshiiskii lixda qodob ahaa ee beesha caalamku ku soo talo
bixi say in lagu soo afjaro khilaafkii dibu dhaca doorashada oo ku
balanqaaday inuu sii dayn doono shacabkii lagu xidhxidhay
mudaharaadada waxba kamuu fulinin qof kaliya uu sii daayayna ma
jirto oo wali way xidhxidhan yihiin mushkilada madaxweynaha
haysataana madaxweynuhu balamaha uu qaado kuma wanaagsana fulintooda”.
Mar aanu weydiinay Axmed Siilaanyo inay jiraan cid la soii daayay
dadkii loo qabqabtay mudaharaadadaas iyo in wali xidhan yihiin, waxa
uu ku jawaabay “madaxweynuhu hal qof oo uu ka sii dayay ma jirto
wali sidii bay u xidhan yihiin dadweynahaasi xaq darada lagu xidhay,
mana garanayo sababaha uu madaxweynuhu balamaha uu qaado uu u fulin
wa ayo, kuwaas oo beesha caalamka iyo golayaasha qaranka madashii ay
goob-jooga ka wada ahaayeen uu ka iclaamiyey”.
Source:Haatuf
|