WAR-SAXAAFADEED

 

 

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madax w eynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaciisa, magaca hay’ad aha xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo taageerayaasha xisbiga waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacab ka Somaliland gudo iyo dibadba meel kasta oo ay joogaan munaasibadda 56 guurada ka soo wareegtay maalintii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska 26 June 1960.

Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay maalinta 26-ka June mid taariikhda Somaliland qii mo weyn ugu fadhida oo ku suntan markii u horreysay ee carro Soomaali degto xornimo ka hesho gumaystayaashii reer Yurub. Inkastoo farxaddii xornimada shacabka reer Somaliland heleen maalintaasi ay ku dhammaatay afar maalmood gudahood kadib markii jacaylkii ay u qabeen midnimo dhexmarta Shantii Soomaaliyeed darteed ay ula midoobe en Koonfurtii Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysanayey, taasina ay dhalisay in loogu aba algudo dhibaato, xasuuq, burbur, cadaadis, dil iyo dhac hantiyeed.

Haseyeeshee, dadaal, dhiig iyo hanti badan oo loo huray kadib waxa Jamhuuriyadda So maliland mar kale dib ula soo noqotay xornimadeedii 18 May 1991, waxaanay Somaliland 25 sanno kadib joogtaa inay tahay qaran madaxbannaan, awood leh, hay’adihiisa dawl adiga ah iyo shuruucdiisu u dhammaystiran tahay, isla markaana hirgeliyey hannaan dim uqraadi ah oo ay ku qabsatay ugu yaraan shan doorasho oo dadweynuhu codkooda si xalaal ah u soo xusheen madaxdooda. Sidaasi darteedna, Somaliland waa qaran madax bannaan oo inuu hore u socdo mooyee aan marnaba weligeed dib ugu noqon doonin mi dow dambe.

Guddoomiyuhu waxa uu beesha caalamka ugu baaqayaa in ay qadariyaan xaqa iyo xuqu uqda aayo-ka-tashi ee shacabka Somaliland oo ay u quudhaan guusha ay gaadhay kelig eed, isla markaana si buuxda u ictiraafaan.
Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu u rajeeyey oo Ilaahay uga beryayaa Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkiisa gudo iyo dibadba inay sannadka, sannadkiisa ku gaadhaan guul, barwaaqo iyo horumar ballaadhan. Aamiin.
 


ALLAA MAHAD LEH.


Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
_________________________________
Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE
Email: kulmiyemanager@gmail.com