GUDOOMIYAHA KULMIYE , WASIIRADA MAALIYADA IYO MAD AXTOOYADA OO
CUSBITAALKA GUUD KU BOOQDAY MUJAAHID BOOBE YUUSUF DUCAALE
Hargeysa
(TNN) :-Maanta oo isniin ah waxa Cusbitaalka Guud ee
Hargeysa booqasho ku tegay Gudoomiyaha Xisbi Kulmiy Muuse Biixi
Cabdi oo ay weheliyeen Wasiir Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiir Maxamuud
Xaashi Cabdi.
Boqasho
Gudoomiyaha iyo labada wasiir markii ay gaadheen qolka Room 3 oo uu
ku sugan yahay Mujaah id Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo maalmahan
xaalad caafimaad u jiifay dhakhtarka weyn, aya a bariido ka dib waxay
la qaateen wakhti kooban oo ay mujaahid ka xaaladiisa ugu kuurgaleen
kana waraysteen sida uu hadda yahay caafimaad ahaan mujaahidku.
Mujaahid boobe oo xaaladiisa caafimaad maalinba maalinta ka sii
danbaysa ay ka soo raynayso, waxay gudoomiyaha iyo labada wasiir
Alle uga baryeen inuu ka dulqaado Xanuunka oo uu caafi maad degdeg ah
siiyo.
Amiin Amiin Amiin.
|