Gudoomiyaha
Komishanku Wuxu Hadlay Intii Abtinnimo, Af-Xumada Afhayeenkuna Cimri
U Kordhin-Mayso Rayaale
Faallo:
Maxamed Cumar Sheekh (
Weriyaha Haatuf ee Boorame )
Gudoomiyahka komishanka doorashooyinka Somaliland, oo magaciisa la
yidhaahdo Jaamac Maxamuud Muuse (Sweden), ayaa shalay si ka baxsan
dhexdhexaadnimada komishanka u shaaciyey in dib loo dhigay
doorashooyinkii la filayey inay dalka ka dhacaan 29-ka bishan March,
lagana dhigay 31-ka Bisha May, 2009. Shaacintan Jaamac Sweden oo
aanay goobjoog ka ahayn masuuliyiinta xisbiga ugu weyn mucaaradka
Somaliland ee KULMIYE, ayaa masuulkaasi dib-u-dhigistaasi ku
saleeyey ammuuro badan oo ay qaban waayeen komsihanka iyo xukuumaddu,
taasina ay meesha ka saartay rajadii laga qabay inay dalkan
doorashooyin ka dhacaan laguna haysto xukun diktaatoori ah ilaa inta
la helayo cid ay isku afgartaan sifo ka duwan sifaha dimuqraadiyadda
iyo nabadgelyada.
Sidoo kale ayaa shaacinta dib-u-dhigista doorashgooyinka ee shalay
waxa ka horeeyey hadallo ay ka muuqatay cadaawad iyo aflagaadooyin
loo jeediyey axsaabta mucaaradka ah, siiba xisbiga KULMIYE,
hadaladaas oo uu yidhi nin u hadlay madaxtooyadu isla shalay, lana
yidhaahdo ina Caddaani Mooge, waxa laga dhadhansanayey inay ahayd
farriin lagaga tegay, isla markaana ku qornayd weedho ka arraddan
luuqadda diblomaasiyadda iyo anshaxa Siyaasadeed, isagoo aad ugu
nuux-nuuxsaday afxumo badan, taas oo aad mooddo inay af-xumada
afhayeenku cimri u soo kordhinayso xukuumadda Madaxweyne Rayaale.
Isla shalay waxa dalka ka dhoofay guddoomiyaha xisbiga UDUB Daahir
Rayaale, isagoo u kicitimay dalka Ingiriiska oo uu ku sheegay in
dawladda Ingiriisku casuuntay.
Inkastoon la ogeyn in qurba-joogga carriga Ingiriiska ee reer
Somaliland u soo dhaweyn doonaan sidii hore, iyo inay ku
mudaaharaadi doonaan Daahir Rayaale marka loo eego waxa dalka ka
socda, waxa uu Rayaale dalka ka baxay wakhti xaaladda siyaasadeed ee
dalku cirka isku shareeray, iyadoo socdaalkiisani ku soo beegmay
dib-u-dhigista doorashooyinka, ay la taliyayaashiisu kula taliyeen
inuu dalka iskaga baxo si uu uga muquurto gadood dadweyne oo kaga
yimaadda cadhada ka dhalatay dib-udhigista doorashada madaxtooyada.
Inkastoo axsaabta mucaaradku, siiba xisbiga KULMIYE dorraad ummadda
u sheegay inuu si nabadgelyo ah xukuumadda ugu soo dabbaali doono ku
dhaqanka sharciga iyo dastuurka, dibudhigis dambe iyo muddo-kordhin
dambena oo loo sameeyo xukuumadda Rayaale aanay dhacayn, isla
markaana diiday inuu horfadhiisto komishanka sharci-darada dib ugu
dhigaya doorashooyinkii loo ballamay, ayaad mooddaa inay
digniinahaasi ku dhacayaan dhego’aan maqli karin nabadgelyo iyo
wada-hadal, balse jecel in lagu wada hadlo siyaalo kale.
Haddaba markaan dib ugu soo noqonno Jaamac Sweden iyo komishanka,
wuxu ku hadlay af u eg afkii afhayeenka madaxtooyada, waxana loo
qaadan karaa inay ahayd farriin uu kaga tegay madaxweynaha dalka ka
sii baxayey.
Jaamac Sweden oo ah ninka labaad ee ku jira komishanka ee ay abtiga
u yihiin jilibka reer Ugaas, kana mid ah jilibyada beelaha makaahiil
ee uu ka soo jeedo madaxweyne Rayaale, marka lagu daro Ismaaciil
Muuse oo inkastoo uu reer Boorama yahay, isna ay abti u yihiin isla
jilibka reer Ugaas ee beelaha makaahiil ee madaxweyne Rayaale ka soo
jeedo, lana ogeyn waxa labadaa nin ee isku abtiga ah iskugu keenay
komishanka, ayaa cid kastaa garan kartaa nooca uu u gudbiyey
farriintii uu dib ugu dhigayey doorashooyinka Somaliland, isagoo u
hadlay sida ay u hadlaan la-taliyayaasha aqalka madaxtooyadu,
hadaladaasi oo ay ka mid ahaayeen “Afeef horaa la yeeshaa ama
adkaysi dambe.”ayuu yidhi Jaamac Sweden, isagoo si tiiq-tiiqsi ku
jiro ugu jawaabaya xisbiga KULMIYE.
Jaamac Sweden oo xilka komishanka hayey muddo yar, nidaamkii uu u
hadli jiray wakhtigii uu xubinta ka ahaa komishankaasna la moodayey
nin oday ah oo dhexdhexaad ah, go’aan qaadashana leh, ayaa haatan u
muuqda nin kale oo u tafaxaytay inuu daafaco abtigii Daahir Rayaale,
una fuliyo wax kasta oo uu ku sii haysan karo kursiga, iyadoo Jaamac
Sweden loo aaneeyo inuu yahay ninkii ka dambeeyey ridistii labadii
gudoomiye ee xilka uga horeeyey, iyadoo la sheegay inuu wax walba
jiqsi kaga siiyey oo uu diiday inay shaqadu raaf-riixdo ilaa isaga
laga dhigay gudoomiye.
Markii uu Jaamac Sweden xilka kala wareegay odayga saddexaad ee
komishanka ka tirsan xidhiidhkana la leh madaxtooyada, halkanna
aynaan ku soo qaadayn xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo Rayaale, ayaa
sidoo kale isku tusay shacbiga Somaliland inuu yahay nin daacad u ah
dalka, dadka iyo doorashooyinka, waxase uun maanta la ogaaday inaanu
kaga dhabayn wixii uu shalay sheegay ee ahaa marnaba dib nooga dhici
mayso wakhtigii loo qabtay doorashada oo ku beegnayd 29 bishan.
Si kastaba si kastaba ha haatee masuulyiinta xisbiga KULMIYE laba
ayuunbaa la gudboon maanta si loo ilaaliyo taageerayaasha xisbiga,
masuulyiinta iyo cid kastoo dalkan rajo ka leh, waa tan koowaade
haddii la marsiiyo aqbalaadda wakhtigan cusub, iyo muddo-kordhin
kale oo Rayaale dalkan ku sii haysan karo, ha ogaadaan waxa u hadhay
xukuumadda ee keliya ahi inay tahay lafahooda oo xabsiyada lagu
hubsado. Waa inay xukuumadda Rayaale kula taliyaan inaanay dawlad
ahayn wixii ka dambeeya 29ka bishan haddii aan xal loo helin
khilaafka siyaasadeed ee muddo-kordhinta iyo dib-u-dhighista
doorashooyinka.
Ugu dambayntiina wax la sugayey ayay ahayd doorashooyinkan dib loo
dhigay sabab kasta haloo sameeyee, waxase aan la hubin khasaaraha ay
dalka u geysan doonto siyaasaddan dib-u-dhigista ee Xukuumadda
Rayaale ku sii marayso ku dhawaad sideedd sannadood, waxana mar
walba soo baxaya waxyaalaha dawladda ku talo-gashay inay
doorashooyinka ku boobto ama ku baabi’iso, waxyaalahaas oo
dhammaantood aan maslaxad u ahayn dalka, waxana arrimahaasi daliil u
ah sida madaxtooyada iyo Madaxweyne ku-xigeenku ololaha siyaasadeed
uga bilaabeen gobolada Saaxil iyo Laalays, iyo sida dadkii wada
dhashay dagaalka iskugu horfadhiyaan degaanada Gabiley iyo Awdal,
dadna ugu dhinteen, hana ogaato xukuumadda Rayaale inta ay kursiga
sii haysataba inay sii badanayaan dembiyada ay ka galayeen
muwaadiniinta dalka, una jebinayaan xeerarka caalamiga ah ee
xuquuqda aadamaha, dalkii Soomaaliyana uu saxeexay inaanay
Somaliland isku rogin dawlad ka mid dawladaha Geeska Afrika ka jira.
|