Gudoomiyaha
Komishanka Oo Ka Noqday Qoraal Uu Xilka Iskaga
Casiley

Iyo
Madaxweyne Rayaale Iyo Xisbigiisa UDUB Oo Is-hortaagay Heshiiska
Qabyo-Tirka Doorashada
Qaadhaan-Bixiyeyaasha Oo Ku Adkaystay Inaanay Wax Lacag Bixinayn
Ilaa La Fuliyo Shuruudihii Ay Hore U Soo Jeediyeen
Gudoomiyaha
Komishanka Doorashooyinka Somaliland, Jaamac Maxamuud Cumar (Sweden)
ayaa la sheegay inuu ka noqday qoraal uu iskaga casiley maalintii
shalay xilka gudoomiyenimo iyo xubnimada Komishanka dooras
hooyinka, taas oo sida la sheegay u gudbiyey xubnaha kale ee
Komisha nka, kadib markii uu ku guul-daraystay isku-day uu doonayey
inuu Madax weyne Riyaale ku qanciyo in xisbiga UDUB ee uu
gudoomiyaha u yahay uu saxeexo heshiishka anshaxa doorashooyinka
(Code of conduct) ee ay axsaabta iyo Komishanku ku wada-shaqaynayaan
xilliga doorashada.
Inkasta oo warka is-casilaada iyo ka noqoshada toona komishanku
aanay si rasmi ah u sheegin, haddana sida ay Haatuf u xaqiijiyeen
ilo xog-ogaal ah oo ku dhawdhaw Komishanka doorashooyinka,
iscasilaada gudoom iyaha Komishanka ayaa ka timid dedaal ay
toddobaadkii u dambeeyay ay wadeen Komishanka iyo xisbiyada, kaas oo
la doonayey in lagu wada sax eexo xeerka anshaxa iyo
dhammaystirka hawlaha qabyada ka ah geedi-socodka hawlaha
doorashooyinka ee la rabo inaanay dib uga dhicin wakh tigii
loo cayimay ee 27-ka September, iyadoo sida la sheegayo xisbiga
UD UB oo maalmihii u dambeeyay ka war-wareegayay inuu saxeexo isla
mar kaana ogolaado qodobada heshiiskan, kaas oo geba-gabadiisii
shalay loo balansanaa inay xisbiyada iyo komishanku qallinka ku
wada-duugaan.
Hase yeeshee xisbiga UDUB ayaa
kulankii shalay loo balansanaa ka baxay isla markaana aan ka soo
qayb-galin, taas oo keliftay inuu gudoomiyaha Komishanku ula af-baxo
Madaxweyne Riyaale oo isla markaana ah gudoo miyaha xisbiga
UDUB inuu ogolaado saxeexa heshiiska xeerka anshaxa, iyadoo uu
heshiiskani ka mid yahay qodobada ay shuruudda uga dhigeen hay’adaha
ka socda dalalka Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo
dimuqraadiyadda bixinta 75% kharashka doorashada Madaxtooyada ku
baxaya.
Laakiin sida warku sheegay Madaxweyne Rayaale ayaa gaashaanka ku
dhuftay soo-jeedinta gudoomiyaha Komishanka Jaamac Sweden, taas oo
uu gudoomiyaha UDUB u sheegay inaanay sinaba u aqbali doonin
qodobada shardiga laga dhigay, waxaanay taasi keentay in Jaamac
Sweden uu qoraal uu xilka iyo xubnimada Komishanka u gudbiyo xubnaha
kale ee Komishanka.
Hase yeeshee sida warku tibaaxay dedaal ay ka galeen xubno ka socday
dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin xubno Komishanka ka tirsan
ayaa isla shalayba ku guulaystay inay Jaamac Sweden ku qanciyaan
inuu dib uga noqdo go’aanka is-casilaadda ah.
Inkasta oo aan la ogeyn sababta uu uga noqday Jaamac Sweden
go’aa nkiisii is-casilaadda, haddana waxay wararku tibaaxeen in lagu
qanciyey in arrintani ku haboon tahay in xubnaha Komishanku mawqif
isku mid ah ka wada-qaataan oo ay isku wada-casilaan haddii ay
axsaabtu dhakhso u ogolaan waayaan qodobada hortaagan in la sii
daayo lacagta loogu deeqay doorashooyinka Somaliland.
Dhinaca kale, wakiilada Midowga Yurub (EU) ee Somaliland ayaa kulan
ay la yeesheen Axsaab qaranka iyo Komishanka waxay u sheegeen in aan
la soo daynayn lacagta kharashka doorashada ee ay bixinayaan Midowga
Yurub iyo dalalka kale ee Somaliland doorashooyinka ka taageera,
ilaa laysla wada ogolaado shuruudihii ay hore ugu xidheen, taas oo
ay axsaabta Mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE soo dhaweeyeen kuna
aqbaleen, balse xisbiga UDUB uu ilaa hadda ka cago-jiidayo qodobo ka
mid shuruudahaas oo ay ugu waaweyn yihiin wax ka bedelka Komishanka,
sameynta guddi xeer-beegti ah oo ka garnaqda muranada doorashooyinka
iyo saamiga lacagta ay xukuumaddu ku bixinayso doorashada inay ku
shubto sanduuq-xisaabeed gaar ah (account) iyo Baan madaxbanaan, si
loola socda dhaqdhaqaaqa xisaabeed isla markaana uu baadhi karo
hanti-dhawre madax banaan.
Kulankan Axsaabta iyo Midowga Yurub ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib
markii ay komishanku warqad u qoreen xafiiska Nairobi ee guddida
maa musha deeqda la siiyo Somaliland, taas oo ay kaga dalbadeen in
loo soo daayo kharashkii ku baxayay doorashada Madaxtooyada, hase
yeeshee masuuliyiinta qaadhaan-bixiyeyaasha u jooga Nairobi ayaa
taas kaga soo jawaabay qoraal ay bishan lixdeedii soo gaadhsiiyeen
Komishanka, waxaanay qoraalkooda ku sheegeen in aan waxba iska
bedelin go’aan koodii ahaa in aanay wax lacag ah bixinayn ilaa
la dhammaystiro fulinta shuruudihii ay hore ugu xidheen.
Si kasta ha ahaatee, arrintan ayaa u eg mid ku soo ururtay in
carqaladda keliya ee hortaagan heshiis laga gaadho qabyo-tirka
hawlaha dooras hooyinku ay tahay xukuumadda Rayaale oo ay
iyada waajib ku ahayd inay tabantaabiso isla markaana dabada ka
riixdo hawlaha suurto-gelin kara inay doorashadu wakhtigii loo
cayimay ku qabsoonto, isla markaana ay fududayso shuruudaha ay lagu
xidhay dhaqaalihii doorashada lagu qaban lahaa maadaama aanay
xukuumaddu tahli karayn inay kelideed dhabarka u ridato kharashka
doorashada ku baxaya.
Hase yeeshee waxay dad badani arrintan u arkaan in ay tahay keliya
mid ay xukuumaddu kaga war-wareegayso doorasho dalka ka dhacda, isla
markaana ay cimri-dherer ka dhiganayso inay wakhtiga ku lumiso muran
iyo is-jiid-jiid aan dhammaad lahayn si loo gaadho wakhtigii
muddo-kordhinta guurtida la horgeynayey.
Haatuf
|