gudoomiyaha
komishanka doorashooyinka oo ka hadlay
bedelaadda laba xubnood

Gudoomiyaha
Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa Tafaa siil dheeraad
ah ka bixiyay sababaha ay Golayaasha Qaranka ugu G udbiyeen
Bedelaadda labada xubnood ee Commissioner Axmed Max amed Xaaji
Bidaar iyo Comissioner Maxamed Yuusuf Maxamed.,
Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Md. Jaamac
Maxamuud Cumar ayaa Tafaasiil ka bixiyay sababaha ay Golayaasha
Qaranka ugu Gudbiyeen Bedelaada labada xubnood ee Commissi
oner Axmed Maxamed Xaaji Bidaar iyo Comissioner Maxamed Yuus
uf Maxamed, kuwaasi oo uu ku sifeeyay in Midba uu leeyahay sabab u
gaar ah. kuwaas oo uu sheegay inay u cuskadeen sababo la xidhiisha
shaqo xumo iyo aflagaado.
Jaamac Maxamuud Cumar, waxa uu sidan ku sheegay hadal kooban oo uu
shalay siiyay Telefiishanka Universal, isaga oo ugu horeyn ka
hadlaya safar uu dhawaan ku tagay dalka Lubnaan, ayaa waxa uu yidhi,
“Safar ayaan ku tagay dalka Lubnan, waxa na casuumtay Xaruunta la
yidhaa Carter Center, waxaanuna kaga qayb galnay 23 dal, waxayna noo
casuumeen si aanu wax uga soo ogaano sida doorashooyinkaasi u
socdaan, waxayna balan qaadeeen in ay doorashooyinkeena imanayaan oo
ay makhraati ka noqonayaan, taasina wax wayn ayay inoo kordhinaysaa.”
Guddoomiye Jaamac Sweden, waxa uu xaqiijiyay in ay Madaxtooya
d u gudbiyeen codsi ah in xilka ay ka hayaan Komiishanka
doorash ooyinka qaranka laga qaado laba xubnood oo gudidaas ka
tirsan, isaga oo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Arinta labada
xubnood, Somalidu waxa ay tidhaa, ninka Faraska xagiisa dambe ka
tagay wax u dhaama ayuu waayay, Komiishanka qaranku xeer ayuu
leeyahay lagu dhaqo oo nidaam u degsan ayuu leeyahay shuruuc la nagu
soo doortayna way jiraan, markaa labada xubnood xubinta ah Axmed
Maxamed Xaaji Daahir oo aanu horena mar aanu celinay oo uu
Baarlamaanku soo celiyay, shuruucdii meesha u taalay ee ahayd
habsami u socodka shaqada haddii ay noqoto habsaan, haddii ay noqoto
aflagaado, haddii ay noqoto sirta xafiiska oo baxda iyo haddii ay
noqoto waraysi aan loo igman oo uu dibada u saaro, fowda ayay
noqotay, horena sidaas si leeg ayay ahayd.”
Waxa kale oo intaa ku daray, “Xubinta Maxamed Yuusuf, isaga waa
sabab xanuun oo mar walba dhakhtar dibadeed iyo safar uu u baahan
yahay ayaanu sal uga dhignay, markaa anaga Komiishanka dhexdiisa
xeer uu leeyahay ayuun baa wax lagaga qaban karaa oo lagu badali
karaa, laakiin anagu waanu soo jeedinay in xilka laga qaado oo
waxaanu marinay habkii la marayay oo waxaanu marinay Madaxtooyada
iyaguna Baarlamaanka ayay marinayaan, markaa taas xildhibaanada ayay
u taal in ay ku qancaan iyo in aanay ku qancin”
Guddoomiye Jaamac Maxamuud Cumar, waxa kale oo intaa ku daray oo uu
sheegay in doorashada Madaxtooyadu dhici doonto wakhtigii loo
mudeeyay "Arinta ku lugta leh doorashada 27kii Bisha Septem
ber ee aanu u mudaynay waa in dadku ku tallo-galaa oo loo diyaar
garoobaa in doorashadii dhacayso, oo nabad iyo wanaag ayay inoogu
dhacaysaa. Inshaa Allaah. Xaggii deeqda, deeqbixiy ayaasha iyo xagii
dawladaba hawsheedii way socotaa, oo wixii la qorsheeyay ee lagu
talo gallay in ay miisaaniyadu ku baxdo ay tii deeqbixiyay
asha iyo tii kaleba timaado, markaa Komiishanku wax alla wixii
diyaar garow ahaa ee ku lugta lahaa doorashada sideedii ayay u
socdaan meel fiican ayuu marayaan, markaa waxaanu leenahay halagu
talo gallo in doorasho dambe aanay dalka dib uga habsaamayn. ILAAHAY
Idamkiisa”.
Qarannews
|