Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda Somaliland C/Raxmaan Cirro Iyo Wasiiru Dawlaha Arimaha Dibada Maxamed Rashiid Oo Aqalka Barlamaanka Ingiriiska Lagu Soo Dhaweeyey

 

 



Alun Micheal oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay kor u qaadayaan horumarinta dhinaca


London (TNN) Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) iyo W asiiru dawlada Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo la kulmay qaar ka mid ah Barlamaanka Ingiriiska oo uu Hogaaminaayo Alen Michal oo ah xidhibaan laga soo doorto Car dif oo ah xildhibaan had iyo jeer u ololeeya arimaha Somaliland.

Waftiga uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Barlamaanku Mudane Cadiraxmaan Ciro iyo Wasiiru dawlaha Arimaha Dibada Dr Maxamed Rashiid waxa ay uga warameen xaalada guud ee ay Somaliland ku sug an tahay wakhtigan xaadirka ah iyo arimaha kusoo fool leh ee doorashada degaanka oo bilaaha soo socda la filaayo inay Somaliland ka qabsoonto.

Waxa kale oo ay mahadnaq usoo jeediyeen Xildhibaanada aad xilka weyn isaga saara arimaha Som aliland oo ay sheegeen in Shacabka reer Somaliland ay kawar qabaan ayna ilaawi doonin dedaalka ay ku jiraan.

Intaas ka dib waxa Xildhibaanada uu hogaaminaayo Alun Michael ay aadugu mahad naqeen waftiga uu hogaaminaayo G Barlamaanku, Waxa Xildhibaan Alun Michael uga waramay arimo badan oo ay ka mid yihiin.

In Ururka Barwaaqa Sooranka (Commonwealth) oo dhawaan shir la filaayo inuu qabsoomo ay Somal iland kasoo qayb gali doonto waxa uu xildhibaanku Alun Micheal Sheegay inay uga soo qayb galaya an sidii joob joog, madaama aanay Somaliland aduunku Ictiraafin, waxa kale oo uu rajo ka muujiyey in ay tahay fursad qaali ah oo Somaliland ay heshay,Madax fara badan oo ka tirsan ururka Barwaa qa soosarka (Commonwealth) ayaa shirka jooga kana war qaba arimaha Somaliland.

Waxa kale oo Alun Micheal uu carabaabay In sare loo qaado horumarinta Barlamaanka Somaliland dhinac kastaba loona fududeeyo arimaha ay u baahan yihiin iyo xoojinta arimaha Somaliland iyo dal kan Ingiriiska.

Kulankan ka dhacay Aqalka Barlamaanka Ingiriisku waxa uu ahaa mid Alun Micheal oo ah Xildhibaan u ololeeya Qadiyada Somaliland uu aad ugu faraxsanaa kulankan uu la yeeshay madaxda Somaliland waxa uuna kusoo dhaweeyey si farxadi ku dheehan tahay.
 


Xamse Axmed Salaan
London
hamse100@gmail.com