GUDOOMIYAHA
GOLAHA WAKIILADA OO LAGU QAABILAY WASAARADA ARIMAHA DIBADA SWEDEN
Stockholm Sweden (Timacade News)-Gudoomiyaha
Golaha Wakiilada Mudane Abdirahman M Abdillahi(Cirro) ayaa bisha 3
february lagu qaabiley Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Sw eden.
Gudoomiye Cirro waxa qaabiley Marika Fahlen oo ah Ergyga khaaska ah
ee Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Sweden. Waxa kale
oo shirkaas goob joog ah aa. Anna Hamrell oo ah Madaxa waaxda
Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Debedda, Eidarus Sh Adan Wakiilka
Somaliland ee Sweden iyo Xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa.
Waxa Ergayga Khaaska ahi ka warantay sida ay Dawladda Sweden u
aragto horuumarka fiican ee ka socda Somaliland. Ergaygu waxa ay
sheegtay in ay ka qeyb gashey shirkii Ma daxweyayaasha Afrika
ee dhowaan ka dhacay Addis Abeba, warbixina ayey ka bixisey sida ay
Dawladda Sweden u aragto arrimaha siyaasada Geeska Afrika khaastan
doorashooyin ka ka dhici doona Somaliland, Itoobiya iyo Sudan.
Ergaygu kahaaska ahi waxa ay sheegtay in ay Dawlada Sweden si toos
ah ula shaqeyn doonta Somaliland arrimaha ku saabsan caa
wimaada iyo horuumarka Somaliland.
Dawladda Sweden iyo adduunweynuhuna waxa ay diyaar u yihiin inay si
hoog ah wax ula qabsadaan Somaliland marka ay doorashadu dhacdo ka
dib. Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu na waxa uu warbixin ku
saabsan Somaliland siiyey Wasaaradda Arrimaha Debedda khaast
an doorashada soo socota. Gudoomiye Cirro waxa uu u sheegay in ay
Axsaabta oo dhami ay hadda heshiis ku yihiin habka doorashadu u
dhici doonta iyo in Gudida Doorashaduna si fiican u shaqeynayaan.
Wefdi ay hogaamineysay Marka Fahlen, Ergayga Khaaska ahi waxa ay
Somaliland tagtey bishii maarso ee 2009. Shirku isafgarad ayuu ku
dhamaaday.
Gudoomiye Cirro iyo Ergayga
Khaaska ahi waxa ay maalinta jimcaha ee bisha 5 february ka qeybgeli
doonan siminaar ka dhici doona Barlamaanka Swden oo ku saabsan sidii
dimuqraa diyada Somaliland hore loogu marin lahaa. Siminaarkaasna
marka uu dhaco kadib ayaa waxa uu ku dhamaaday la idiin soo gudbin
doona.
Mohamed Abdillahi Hassan Freelance Journalist Stockholm Sweden
|