Gudoomiyaha Golaha wakiilada JSL/ Gudoomiyaha Ururka Wadani oo la Kulmay Jaaliyadda Somaliland ee Finland.





Helsinki , 3 June 2012 (TNN)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada/Gudoomiyaha urur siyaasadeedka waddani oo safar shaqo ku yimi qaaradda Yurub ayaa kullan la yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee Ku dhaqan magaalo madaxda Finland iyo agagaarkeeda. Kullankaasi waxaa uu ku bilaabmay Aayadaha Quraanka Kariinka.



Gudoomiyaha Jaaliyadda Xasan Cali sadexle oo furay munaasibadda ayaa hadal mahadnaq iyo soo dhaweyn ah u jeediyey Gudoomiye Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi ’Cirro’ iyo dadkii soo qayb galay kullanka,waxaana uu warbixin kooban ka siiyey gudoomiyahu xaaladda Jaaliyadda reer Somaliland iyo hawleeda shaqo kuwa maalinlaha ah iyo kuwa kale ee la xidhiidha guud ahaa nba dedaalada qurbajooga reer somaliland oo ay kaalinteeda kaga jirto.



Waxaa kaloo hadalo soo dhaweyn ah ka jeediyey dhammaanba qaybaha kala duwan ee jaaliyad da; odayaasha jaaliyadda oo ay ka mid ahaayeen Eng, Cabdillaahi Axmed , Keyse Maacaleesh , Saleebaan Gafaydhe iyo Suldaan Cawil .Dhanka Haweenka waxaa hadalo soo dhaweyn iyo taag eeroba ah ka jeedisay Xaliimo Axmed, dhallinyarada waxaa ka warbixiyey Faysal Xuseen Yuu suf. Maxamuud Jaamac xoghaya ururka Wadani oo ku hadlayay magaca ururka wadani. Ka dib waxaa kullanka lagu soo dhaweeyey Gudoomiye Cabdiraxman Cirro;



Mudane Cirro wuxuu jeediyey Khudbad dheer oo uu si faahfaahsan ugaga warramay xaaladdda ka jirta Somaliland gaar ahaan nabadgelyada , horumarka bulshada iyo sida maanta reer Soma liland ugu bislaadeen Dawladnimada, Dimuqraadinimada iyo Waddaninimada. Wuxuu kaloo ka ha dlay waxqabadkii Golaha wakiilada ilaa muddaii uu xilka hayey iyo safaaradiisii u dambeeyey ee uu ku tagay waddanka Namibia iyo shir muhiim u ah reer somaliland oo lagu qabtay xarunta barl amaanka waddanka Belgium laguna soo martiqaaday Gudoomiyaha iyo Xuno kale oo ay ka mid ahaayeen Marwo Edna iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde



Waxaa kale oo uu soo salaan iyo mahadnaq u jeediyey Jaaliyadda Somaliland ee deggan Finland ugana mahdnaqay soo dhawaynta, waxaa uu u soo jeediyey talo iyo tilmaamo sidii ay u xoojin lahaayeen Wadajirkooda, midnimadooda iyo kaalinta ay ka qaadanayaa guud ahaanba horuma rka dalkooda-Si gaar ahna u tilmaamay inay ka qayb qaataan kaalinta hogaamineed ee jaaliyad aha Yurub xagga horumarinta iyo aqoonsi raadinta dalkooda, isagoo tilaamay dariiqada loo mar ayo.



Gebagadii shirka waxaa guddoomiyaha la weydiiyey su’aalo ku saabasan hawlihiisaa shaqo, ku waasoo aad u badnaa. Weydiimahaas oo dhan waxa uu Guudmiye Ciro uga jawaabay si faahfa ahsan oo ay ky wada qanceen intii ka soo qaybgashay shirka.



Kullankaasi waxaa uu ku soo xidhmay salaan gacan qaad ah oo ay safaf dhaadheer u galeen dadweynaha reer somaliland oo ku dheehantay farxadi iyo Sawirro xasuuseed ay dadku la galayeen Gudoomiye ’Cirro’

 



Guddiga jaaliyadda Somaliland
ee Finland-Helsinki