Gudoomiyaha Degmada Wajaale oo Xoog ku jabiyay K hasnadii Dawlada Hoose ee Tog-wajaale isaga oo ka Maqan Wakiilkii loo Igmaday

 


 

Tog-Wajaale (Timacade News) Gudoomiyaha Degmada wajaale Maxamuud Wayne ayaa saaka Xoog ku JabiyayXafiiskii Qasnadii Dawladu taalay, ka dib markii Khilaaf ba,ani soo kala dhex galay isaga iyo Xoghaya Dawladaha Hoose ee Degamada wajaale Mr.Cabdi Abiib.


Guddoomiyaha Degmada Wajaale oo ay wehelinayaan Raxan Ciidan ah ayaa saaka weerar Badheedh ah ku qaaday xafiiska Khasnada Dawlada ee Degmada isaga oo ka maqan wakiilkii Masuulka ka ahaa Xafiiska, Sida Timacade news ay u Xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo ku dhaw dhaw masuuliyiinta Degmada ayaa sheegay in  Gudoo miyaha Wajaale Doonayo in Khasab uu ku badelo Wakiilada Dawlada hoose ee  Deg mada Wajaale oo magacyadoodu kala yihiin Cabdi Warsame Seed iyo Khadar Taraashib.


Xog-hayaha Dawlada hoose ee Degmada wajaaje oo isagu wakhtigaa ku maqnaa safar shaqo ayaan ka warqabin beddelka Wakiilada Dawlada Hoose ee Degmada iyada oo sida sharcigu dhigayo ay maamul ahaan Shaqaalaha Dawlada hoose ee Degmadu hoos yimaadaan Xog-yaha Fulinta.

Isku dayga uu Guddoomiyaha Degmada isku dayay in uu ku bedelo Waiilada  Dawla da Hoose ayaa sabab u noqotay khilaaf ba’an oo soo kala dhex galay  Guddoomiya ha iyo Xoghayaha Degmada. Waxaanay arintani cirka isku sii shareertay markii  ma alintii shallay uu Safar ka soo noqday Xoghayuhu arintaana uu la kulmay.

Xog-hayaha Dawlada hoose ee Degmada Wajaale Cabdi Abiib Warsame oo  Timaca de News Wax ka waydiisay arintaasi ayaa noo caddeeyay jiritaanka arintaasi isaga oo Sheegay in Gudoomiyuhu isaga(Xoghayaha) oo aan Waxba ka waydiinin Xoog ku jabiyay Xafiiska Qasnada Dawlada Hoose ee Degmada Wajaale.

Dhinaca kale, mar aanu isku daynay in aanu amuurtaasi wax ka waydiino  Guddoom iyaha ayaanay noo suurto galin in aanu wax garawshiiyo ah ka helno  Guddoomiy aha, markii uu Guddoomiyuhu uu ka gaabsaday arintaasi inuu wax tafaasiil ah ka  bi xiyo.

Khilaafka Masuuliyiinta Degmada Wajaale oo in mudo ahba soo jiitamayay ayaa  Bis hii hore la xaliyay Khilaafkooda, ka dib waxaa mudooyinkan Danbe soo laba  kaclee yay khilaafkoodii oo cirka isku shareeray maalmihii ugu Danbeeyay iyada aan wali la soo afjarin Muranka Masuuliyiinta Degmada.

Khilaafka Masuuliyiinta ayaa Dhabar jab ku ah Habsami u socodka Shaqooyinka  Da wlada ee Degmada Wajaale iyada oo Degmadu tahay Degmo Ganacsi oo ubaahan Dadaal Dheeraad oo kor loogu qaado adeegyada Bulshada ee lagu Majaro  habaabi nayo Khilaafka aan danta u ahayn Bulsho waynta Reer Tog wajaale.

 

 



C/risaaq Muxumed Aw Daahir
(C/risaaq Dhago)
Timacade News Reporter
timacadenews@hotmail.com
Wajaale/Somaliland