Gudoomiyaha Degmada Taleex ee maamulka Puntland oo isu soo dhiibay maamulka Somaliland

 

Waxaa soo gaadhay xarunta magaala madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood Gudoomiyihii Degmada Taleex ee maamulka Puntland isagoo isu soo dhiibay maamulka Somaliland ee hadda ka arimiya Gobolka Sool kuna sugan xarunta magaalada Laascaanood.


Gudoomiyaha oo lagu magacaabo Maxamuud Jaamac Shaacuur (Ilwayn) ayaa isaga iyo gaadhi uu wato waxa ay soo gaadheen magaalada Laascaanood isagoo kasoo kicitimay magaalada Taleex ee Gobolka Sool halkaas oo ka ahaa Gudoomiyaha Degmada Taleex ee maamulka Puntland.

Maxamuud Jaamac Shaacuur (Ilwayn) Gudoomiyaha Degmada Taleex ayaa waxaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool iyadoo ay soo dhaweeyeen masuuliyiinta maamulka Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool uuna hogaaminayo Taliyaha Qaybta Police-ka ee Gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni.

Masuuliyiintan soo dhawaysay ayaa waxa ay isugu jireen masuuliyiinta heer Gobolka iyo Degmo iyo waliba saraakiisha military-ga ee ku sugan aaga barri ee magaalada Laascaanood kuwaas oo kasoo raacay kaantoroolka barri ee magaalada una soo galbiyay dhanka magaalada Laascaanood.

Isku soo wada duuboo Gudoomiyaha isu soo dhiibay maamulka Somaliland ayaa waxa uu sheegay mar ay masuuliyiinta maamulka Somaliland ee Gobolka Sool shir kula qaateen inuu isu soo dhiibay maamulka Somaliland oo uu u arko maamul si xalaal ah ku shaqaynaya una arkay maamulka Puntland in aysan wax dan ah ugu jirin shacabka Gobolka ee halkaasi ku sugan uuna yahay maamul dhinac u shaqaynaya.

 

 



Ahmed Abdulahi Binow

Isuduwaha wasaarada warfaafinta
iyo wacyi gelinta JSL ee Gobolka Sool