Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Wajaale oo Maanta Xilkii Si rasmi ah ula wareegay

 


Tog-Wajaale (Longlivesomaliland News)- Gudoomiyaha cusub ee  Degma da wajaale Maxamuud Muxumed (Maxamuud Wayne) oo maanta Xilkii si rasmi ah loogu wareejiyay, xafladii xilwareejinta oo maanta lagu qabtay xarunta dawlada hoose ee degmada wajaale ayaa waxaa ka soo qayb galay, Badhasaabka Gobolka Maxamed axmed aw cabdi (Xabiib),Xubno ka mid ah Golaha deegaanka Gabiley, Gudoomiyihii hore ee degamada  Waja ale.

Masuuliyiintii Xafladaasi Xilwareejinta ka hadashay waxaa ka mid ahaa Gudoomiyihii hore ee Degmada wajaale, waxaana uu ka waramay  waxya abihii u qabsoomay intii uu xilka hayay, waxaa kale oo uu xusay inuu soo dhawaynayo oo uu lashaqayn doono gudoomiyaha cusub ee xilka loo soo magaacabay.

Waxaa kale oo isna xafladaasi hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Tog-wajaale Maxamuud Muxumed (Maxamuud  Wa yne) waxaanu uu mahadnaq usoo jeediyay dadwayhii ka soo qayb galay xafladaasi, waxaa uu dadwayha reer wajaale ka codsaday inuu maalinta bari ah sifaahfaasan ugu soo bandhigi doono waxa uu uqaban doono, isaga oo xusay inuu xafalada udub ee ololaha bari kala hadli doono.

Waxaa kale oo iyaguna halkaasi hadalo dardaaran iyo Duco isugu jira ka soo jeediyay Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw cabdi Xabiib,Cismaan Miigane Suldaan, Mustafe sh. Abuukar oo ka mid ah  dhal inyarada Degmada Wajaale waxaanay dhamaantood usoo jeediyeen Gudoomiyaha Cusub inuu ilaahay Xilka ku asturo.

Dhinaca kale warar ay noo xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo ku dhaw dhaw Maamulka wajaale inuu Gudoomiyihii hore degmada wajaale Cumar aadan qaasaali ku wareejiyay 190 milyan oo dayn ah, waxaanu warku intaasi ku darayaa inuu diiday gudoomiyaha cusub inuu lawareego dayntaasi iyada oo lagu jiro marxalad xasaasi ah, waxaana la sheegayaa in uu khilaaf ka dhashay arintaasi oo loo balamay in dib loo xaliyo, waxaanay warar sheegayaan in ay imanayaan masuuliyiin ka tirsan dawlada dhexe si ay arintaasi u xaliyaan.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Longlivesomaliland News ......

 


Wariye: C/risaaq maxamuud awdaahir

Longlivesomaliland News Desk
Tog Wajaale Somaliland