Gudoomiyaha Barlamaanka oo Ku Guuleystay Qorshihii Ahaa In Faramaajo
is casilo :--

Kadib Iscasiladii Raiisal Wasaare Faramaajo,ayaa waxaa soo baxaya
warar sheegaya in ay guushu raa caday Gudoomiyaha Barlamaanka
Shariif Xasan Sheekh Aaden, kaas o si weyn u doonayay in wajigiisa
laga hor wareejiyo Reysilwasaare Faramaajo,isgoo geed dheer iyo mid
gaaban u fuulay,isla markaana koontadiisa Dubai ugu tiilay kala
baxay 7 milayn oo Dolar si uu hawshaas u kala tuuro,waxaa jiratay in
maalmahaan uu Reysilwasaare Faramaajo ku adkeysanayay in uu hortegi
doono Baarlamaanka uuna ku qancayo,goŽaanka uu Barlamaanku ka qaato
iscasilidiisa,nasiib wanaag shalay oo taariikhdu ahayd 18 Bisha juun
ayaa koox xildhibaano ah isu xilqaameen in ay Baarlamaanka,dib u
furaan midaas oo u suurta gashay xildhibaanadaas.
kolkii furitaanka Barlamaanka laga dhageystay idaacadaha iyo
Telefishanada,ayaa Gudoomiyaha Barlam aanku waxa uu bedelay
shaxdii,wuxuuna arintaas si deg deg ah ugu bedelay in inta aan la
horgeyn Baa rlamaanka in xoog laaga xayuubiyo Xilka Dalkana si
dhaqso leh uga baxo Reysil Wasaare Faramaajo,wa ayo Gudoomiyaha
Barlamaanku aad buu uga dheregsanaa in hadii barlamaanka la horgeeyo
in uu guuleysan lahaa Faramaajo.,
Waa ayaan darao u soo hoyatay umada Soomaaliyeed waayo shumicii
iftiinka ee u soo Bidhaamay ayaa laga demiyay,waana nasiib daro in
Madaxweynaha oo heerka Aqoontiisa aanu naqaano in uu mar walba ka
amar qaato Nin aan Aqoontiisa Dugsi Dhexe Dhaafsiisneyn,ugu danbeyn
Gudoomiyaha Barlamanku waa guuleystay ka Gadaal kolkii uu Xilka ka
Xayuubiyay Faramaajo oo ka soo jeeday gobolka gedo,uuna ku Bedelay
Ninkii uu ku Ganacsanaa Gudoomiyaha Barlamaanka ee ka soo jeeday
Garoowe,la arki donee halka ay ku danbeyso siyaasadiisa guracan
gudoomiyaha barlamaanka,iyo sida looga guuleysan doono mucaaradka oo
fara baas ku hayo jiritaanka qaranka soomaaliyeed.
|