Dubai (TNN) :- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Muca aridka ugu weyn Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa waxa mart iqaad rasmi ah u fidisay oo waddanka Imaaraadka Carabta ku casuuntay Shirkadda Dubai P orts World oo ah shirkadda iyagu quuddaraynaysa in ay heshiis rasmi ah kula wareegto Maa mulka Dekedda Berbara iyo maalgashigeeda oo ay xukuumadda Somaliland in muddo ah ka w ada hadlayeen walina aan la isla gaadhin heshiiskii kama dambaysta ahaa. Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dubai ee dalka Isu Tagga
Imaaraadka Carabta ayaa tibaaxaya in Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdilaahi (Cirro) iyo Masuuliyiinta shirkad da DP World ay kulan
ballaadhan ku yeesheen magaalada Dubai kadib markii ay si rasmi ah
m adaxda DP World ugu casuuntay Guddoomiyaha WADDANI shir ay labada
dhinac kaga arrins adaan heshiiska la filayo in ay shirkaddaasi kula
wareegto Marsada Caalamiga ah ee Berbe ra. Saraakiisha ugu sarraysa Shirkadda DP World iyo Guddoomiyaha WADDANI ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen xaaladaha ku gedaaman heshiiska hor dhaca ah ee ay shirkaddaasi xukuumadda la gaadhay iyada oo dhinaca kalena masuuliyiinta shirkaddani Guddoomiye Cirro ka codsadeen in uu golihiisa kala shaqeeyo sidii ay u baas garayn lahaayeen heshiiskaasi had dii ay xukuumadda iskula af gartaan ugu dambayna loo soo gudbiyo fadhiga Golahaasi, waxa anse la ogayn waxa uu Guddoomiye Cirro ka yidhi codsiga shirkaddan iyada oo wararka qaar sheegayaa in xukuumaddu ka dambaysay arrinkan oo ay maamulka shirkadda DP World ka codsadeen in ay la kulmaan Guddoomiye Cirro maadaama uu yahay Guddoomiyaha Mucaa ridka ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.
|