Gudomiyaha Qurbajoga EU Ubaxle ayaa yidhi. Anigoo taageersan aadna u soo dhoweynaya talaabo kasta oo lagu taageerayo qadiyada Somaliland Hadana ilaa iminka wax aan kala socdo ma jirto Arintan degdega lagu abuuray ee carqalada ku ah hawshii mudada socotay
 

 


Gudoomiyaha Qurbajooga Somaliland ee EU oo isu soo baxa lagu sheegay 11/april/2013 ku tilmaamay mid lagu carqaladaynayo qorshihii mudada dheer laga soo shaqeynayey ee Jaaliyadaha EU ku balansanayeen in la isugu yimaado Xarunta Parlamanka EU ee Brusells isagoo sheegay in qorshe cad oo mudo ka badan 6bilood socday lagu balamay in qurbajooga EU ay isugu yimaadaan bisha May 18keeda xarunta EU balantaasna ay hore inoogu samaysay xubin ka tirsan Parlamanka EU una metesha wadanka ingiriiska iyadoo balanqaadkaasna inoo soo marisay Jaaliyada Somaliland ee magaalada Shefeld oo ay xidhiidh joogto ah leeyihiin mudanahaas mar ay ku booqdeen Xarunta Parlamanke EU ee Brusel oo ay ku casuntay si ay qadiyadeena uga sheegaan waana in lagu ixtiraamo hawsha weyn ee jaaliyadaasi inoo soo qabatay ee aan hawl qabyo ah la dhinac eryin.

Jaaliyadaha Shefeld oo Balantan soo samaysay Bishii October ee 2012 way la socdsiiyeey cid kasta oo ay khusayso, sida aniga oo ah Gudomiyaha Qurbajooga EU, Wakiilka xafiska Somalilad ee London Ali Aden iyo xukuumada Somalilandba, sidii waajibku ahaa anigu waxaan ku hawl galay inaan hawshaas muhiimka ahi dhicisoobin waxaana safaro ugu baxay wadamada Eu qaar ka mida anigooo qaarkoodna xidhiidh la sameeyey, waxaa nasiib wanaag ah in Norwey, Sweden, Denmark iyo Germanyba ay si weyn u balan qaadeen inay isu diyaarinaynaan maalintaas 18May oo ah maalin qadiyadeena ka turjumaysa isla markaana ku haboon maalinta ay shacabka Somaliland shucuurtooda muujinayaan, dhinaca Uk waxaa diyaar ahaa Jaaliyadii hawshan soo diyaarisay ee Shafeld, Birmingham, Manchester iyo Dalada ugu weyn UK oo ay ku bohoobeen ururada ugu badan Somaliland.

Hadaba waxaa ilaa iminka aan masuul ahaan is weydiinyaa sababta keentay in arin qarbo qarbo ah la dhinac eryo hawshii mudada dheer laga shaqaynayey ee weliba cida wadaa aanay masuul ahaan waxba igala socdsiin si aan hadii ay suurta gal tahay meel uga wada duulo, waxaa kaloo isweydiin mudan Masuuliyiinta ogaa in hawshaas mudo la soo waday sababta ay arintan jaaliyadaha degdega ku ah uga hadli waayeen iyagoo aad moodo inay iska indha tirayaan hawshii mudada socotay ee ay wax ka ogaayeen raalina ku yihiin dhabarjebinta hawshan lagu sameeyey.

Waxaan anigu leeyahay waxa fiican in aynaan dalkeena iyo shacabkeena isku duuban sumcad xumo u soo hoyn ee aynu ka tashano talaabada la qaadayo hadiise kooxi is tidhaahdo hawshii socotay mid qabyo ah ka horaysiiya si aad isu muujisaan waxay uun inagu keenaysaa guul daro ee arimahaas ha laga waantoobo, waxaan ku rajo weynahay in aynu midayno hawlaha qarankeena kuna ixtiraamno nidaamka u yaala si aan kala danbayntu inooga lumin, xilalkuna waa meerto oo marba qof uun baa hayn lahaa sidaa darteed ama nebcaw ama jeclow waa muhiim inaad masuulka xilka kuu haya ku ixtiraamto hadii kale isna beri ka yimaada ku ixtiraami maayo sidaana waxaa inagaga lumaya hanaanka kala danbayneed iyo horumarka aynu hiigsanayno.

Ugu danbayn waxaan ku baaqayaa Wada tashi Qurbajooga ah oo dhakhso ah si aynu arimahan u qabyo tirno oo meel uga wada duulo jaaliyadihii iyo ururadii Bisha may u diyaar garoobayna waxaan ka codsanayaa inay ka raali noqdaan wixii khalkhal maamul xumo inala soo gudboonaday wada tashigana aan isugu nimaadno , qolada hawshan degdega ah wadana waxaan leeyahay walaalayaal Jaaliyaduhu anigoo masuulkii ah ayay ila soo xidhiidhaan wixii aanan waxba ka ogayna waxay noqonaysaa hawl qabyo ah ee nidaamka ha hareer marina, waad ogaydeen fadeexadii ka dhacday kulankii Madaxweynaha ee laga qariyey masuulkii jaaliyadaha iyo Kumanaankii reer Somaliland ee isu diyaariyey soo dhoweynta madaxweynohooda, markaa aan wada tashi hawlaha ku galno oo noqono umad ujeedo qudha wada leh ee aan wax kala hororsanayn si aynu u gaadhno guulaha aynu rabno.

Hadii aad rabto inaad ogaato ilaa mudada aanu hawshan soo wadnay iyo sida saxafadu ula socotay riix ama qaado adreskan hoose qaar ka mida saxaafadii xiligaa wax ka qortay qorshahan.

http://burcoonline.com/view.php?id=8278

http://oodweynenews.com/2013/01/gudoomiyaha-qurbajooga-eu-abdirahman-ali-ubaxle-ayaa-safar-wacyi-gelin-ah-ku-soo-gaadhay-wadanka-denmark-kuna-sii-jeeda-wadamo-kale-oo-eu-ah/

 

 


Abdirahman Ali Ubaxle
Gudoomiyaha Qurbajooga Somaliland ee EU
Birmingham UK