Gudomiyaha Golaha wakiilada Oo Sheegay In Golaha Wak iila dda La Hor Keeni Doono Xubnihii Somaliland U Ma taleyey Wada Hadaladii Somaliland iyo somaliya

 



Gudomiyaha oo Saxaafadu maanta ka waydiisay sida uu ka Xisbi ahaan u arko Xisbi Wadani ah aan ay marka ay lafa guraan Qodobada ka soo baxay wada hadaladaasi ay mawqifkooda ka soo saari doonan....

Hargeysa (TNN) :-Gudomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADANI Ahna Gudomiyaha Golaha Waki iladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cabdiraxmaan Cirro) Ayaa Sheegay In Guddida Somalila nd Matalayey Ee Shirkii Somaliland Iyo Somaliya Ee Shalay Galab Lagu Soo Afmeeray Magalada Is tanbul Ee Dalka Turkiga Ay Soo Hor Fadhiisin Doonan Golaha Wakiiladda Si Wax Looga Waydiiyo H eshiisyada Ay Qalinka Kula Soo Duugeen Shalay.

Gudomiyaha Oo Saxaafadu Maanta Ka Waydiisay Sida Uu Ka Xisbi Ahaan U Arko Qodobada Laga Soo Saaray Heshiiskii Ay Labada Dhinac Wada Gaadheen,Ayaa Ka Gaabsaday In Uu Si Toos Ah Uga Hadlo Isla Markaana Waxa Uu Sheegay In Ka Xisbi Wadani Ahaan Ay Marka Ay Lafa Guraan Qodobada Ka Soo Baxay Wada Hadaladaasi Ay Mawqifkooda Ka Soo Saari Doonan”Qodobada Si Fiican Umaan Arag Kolay Weftiguna Wuu Imanayaa,Goluhuna Wuu U Yeedhayaa Oo Kolay Wara ysi Ayey Bixin Doonan.” Ayuu Yidh Gudomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Hadal Kooban Siiyey Qaarka Mid Ah Warbaahinta Markii Maanta Ka Soo Baxay Aqalka Golaha Wakiiladda Somaliland.

 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland