Gudomiyaha Arrimaha Gudaha Wakiilada Oo Sheegay Inay Maanta G olaha
Hor Keeni Doonaan Xeerka Axsaabta Iyo Dooda Furitaanka Ururada Oo
Xaasaasi ah

Hargeysa, July 19, 2011 (TNN)-Gudoomiyaha arrimaha gudaha iyo nabad
galyada ee golaha wakiilada Som aliland mudane Siciid Cilmi Rooble,
oo guddigiisu gacanta ku hayaan xeerka axsaabta siyaasada xeer lr
14/2000 iyo digreetadii madaxweynuhu ku soo ogolaaday furista
ururada siyaasada ayaa sheegay, in fad higa maanta ee golaha ay soo
hordhigi doonaan xeerkaasi iyo tala bixintii uga soo baxday
kulanadii ay la yeesheen saddexda xisbi iyo qaybaha bulshada.
Gudoomiyaha guddida arrimaha gudaha Md Siciid Cilmi Rooble, oo aanu
xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay, islamarkaana wax kaga
waydiinay xeerka axsaabta siyaasada xeer lr 14/2000 ee guddigoodu ay
naaqishaada ku samaynayeen xilliga ay golaha hor keenayaan, waxa uu
yidhi “Xeerkaasi axsaabta siya asada xeer lr 14/2000, oo aanu guddi
ahaan gacanta ku haynay waanu soo dhamaystirnay waa jibaadkii goluhu
naga sugayay, insha Allaahuna fadhiga maanta ee golaha ayaanu xeerka
iyo warbixintayadaba hor keeni doonaa.
Xeerka axsaabta siyaasada xeer lr 14/2000, oo ahaa xeerkii saddexda
xisbi ee hada jira lagu soo dhisay oo madaxweyne Axmed Siilaanyo wax
ka badal iyo kaabis markii uu ku soo samayeeyay uu golaha wakiil ada
u soo gudbiyay digreetada uu ku fasaxay, in ururada siyaasada la
furo ayaa la filayaa in golaha wakii ladu ay fadhiga maanta ku gudo
galaan dooda xeerka axsaabta siyaasada, oo isaga ay ka muuqdaan qaby
o badan oo la xidhiidha tafsiirka qodobadiisa oo u baahan in la
dhamaystiro, islamarkaana lagu cadeeyo muddada jiritaanka axsaabta
siyaasada oo aan hore ugu cadayn
Source:Haatuf
|