Gudniinka Fircoonigu [FGM] Wuxuu Xad gudub Ku Yahay Xuquuqal IInsaanka Ee Ayaan La Iska Indho Tirin.

 


Hadba waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya Diinta islaamka iyo Gudniinta Fircooniga?


Bulsho kastaa waxay leedahay dhaqan iyo caaddo soo jireen ah oo ay ka dhaxleen awowyaashood, taasi oo leh mid xun iyo mid sanba, hadaba bulshada Soomaaliyeed waxay leedahay dhaqano aad u wanaagsan,
kanise waa mid meel kale inooga yimid, gudniinku wuxuu soo baxay qarnigii fircoon waxanu fircoon ka lahaa dan gaar ah si uu dadka uga ilaaliyo in ay tarmaan waayo sida la sheegay fircoon waxa uu aaminsanaa inuu dilayo ilma yar oo dhalan doona, sidaa awgeed ayuu dhamaan dhufaani jiray wiilasha hablahana uu gudniin fircooniya ku samayn jiray, taasi waxay sababtay in arinkii gudniinka uu ku fiday wadamo aad u badan, kaasi oo ka bilaabmay Masaarida una soo gudbay carabta kale iyo dalal badan oo Afrikaan ah ilaa hadana isticmaala, wadamadaana waxa ka mid ah Somaliland, Somalia, Djibauti, Sudan,Eriteria, Uganda, Tanzania Ethiopia, iyo meelo kale.

Hadba waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya Diinta islaamaka iyo Gudniinta Fircooniga?
Run ahaantii ma jiro wax xidhiidh ah oo ku saabsan dhinaca diinta Islaamka, hadaba si aynu u fahano xidhiidhka Diinta Islaamka iyo waxay ka qabto Gudniinka, sida laga soo wariyey Nabigeenii [N.N.K.H]in aan loo gaysan dhaawac, tiiyoo aynu in badan maqalnay maqalnay ama arnay in aad la isaga wacyi galinayo sidii arinkaa looga gudbi lahaa, maadaama oo uu dhaqan ahaana meel xun kasoo jeedo Diin ahaanna uu ku xun yahay waxaynu ognahay dalal badn oo islaam ahi in ay ku dhaqmaan Gudniinka fircooniga ah,

Hadaba si looga hor tago ayaa lagu qabtay kulan ballaadhan Imperial Hotel 02/02/08 kaasi oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Mudane Axmed Xasan Cali Casoowe, Wasiirka Arimaha Qoyska Mawo Faadumo Suudi Xasan, W/ku xigeenka Caafimaddka Madi Cismaan Buuri, Drs. Adna Aadan Ismaaciil iyo hay''ado kale, halkaas oo ay dhamaantood hadalo wax ku ool ah, oo ay ka soo jeediyeen Wasiirka Qoyska Faadumo Suudi Xasan tilamaantay in xukuumad ahaan ay dhawaan ka soo saarayaa siyaasad midaysan, iyagoo ka kooban lix wasaaradood oo kala ah Wasaaradaha Qoyska, Caafimaadka, Cadaaladda, Diinta iyo Awqaafta, iyo War faafinta.

Sidoo kale waxa isna hadal ka soo jeediyay Wasiirka cadaaladda Axmed Xasan Cali Casoowe isga oo yidhi "waa in dawladu sharci ka soo saartaa lagu hor joogsanayo dhibaatadan bulshada saamaynta weyn ku yeelatay".

Hadaba waxa bulsho iyo dawladaba in laga wada qayb qaato sidii sidii loo joojin laha dhigbaatadan iyadoo la raacayo dariiqooyinkan:

1. In dhinac looga soo wad jeesto sidii loogu dari lahaa sharciga dalka in la mamnuuco intii ku dhaqantana loo sameeyo qodobadii qaban lahaa
2. Umuliso dhaqameedyada ama dadka ay u tahay xirfad ay nolol maalmeedka kala soo baxaan la baro xirfado ay ku saqaystaan
3. In dadka loo sheego inuu horseedi karo cudurad xunxun sida HIV/AIDs
4. In culimaa''u diinku ka hadlaan inuu yahay wax aan diin ka soo jeedin
5. In haweenku dhinac uga soo wada jeestaan sidii loo joojin laha dhibaatadaa haweenka ku gaarka ah IWM
6. In bulshada dhamaanteed wacyi galin ballaadhan lagu sameeyo si uu waalidku u fahmo dhibta baaxadda leh ee uu haweenka ku hayo loogana joojiyo.

Akhriste ma ogtahay daraasan ay samaysay Drs. Adna Aadan Ismaaciil cisbitaalkeeda ay ku ogaatay in haweenka halkaa ugu tagay ay 97% yihiin Gudniinka Fircooniga ah kuwasi oo dhibaato badn la kulma marka ay umulayaan.

Si kastaba ha ahaatee, wax loo baahan yahay in ay bulshadu isla fahanto wixii wax yeeli ku keenaya ee naafaynaaya xuquuqda aadamaha dhaawacna ku keenaya gabdhaha, sidaa darteed waxa loo baahan yahay in ay bulshadu dhamaanteed ka wada qayb qaadato sidii loo joojin lahaa ee meel looga soo wada jeedsan lahaa ee looga dhaadhicin lahaa waalidiinta rag iyo dumarba iyo dhalinyarada inuu waxani yahay wax Diinta Islaamku mamnuucday.



 


Suxufiyad Hodan Cali Cajabi.

E-mail, hodan2008@gmail.com
Hargeysa/Somaliland