Gudidda Diiwaan gelinta oo ka hadlay Gunaanadka tiro-koobkii madax-taabashada ahaa
 

 



Hargeysa (TNN)- Guddoomiyaha Gudidda diiwaan gelinta ururadda siyaasadda iyo ansixi nta axsaabta qaranka Md. C/Risaaq Cumar Jaamac (Ciyaalle), ayaa maanta shaaca ka qa aday in ay soo gabo-gabeeyeen hawshii sida madax-taabasho ah loo tiro-koobayay xubn aha gobolada dalka ee 15-ka urur siyaasadeed ee diiwaan-gashan.

Waxa ururadda siyaasadda laga doonayay inay gobol kasta Gudida horkeenaan 1000 qof oo ah xubnahooda gobolada, marka laga reebo gobolka Sool oo laga doonayay 20% taas oo ka dhigan 200 oo qof.


Guddoomiyaha Gudida diiwaan gelinta ururadda cusub C/Risaaq Cumar Jaamac, ayaa maa nta magaaladda Caynabo kaga dhawaaqay inay soo gabo-gabeeyeen tiro-koobkii ay ka wadeen goboladda dalka.

Guddoomiyuhu wuxuu u mahad celiyay urur siyaasadeedyada oo uu xusay inay si wanaag san ula shaqeeyeen Gudida diiwaan gelinta.Md. C/Risaaq Ciyaalle wuxuu sheegay in hawl-galkani ku qabsoomay jawi nabad-gelyo isla markaana ay natiijada uga soo baxday shaaci n doonaan dhawaan.
Waxa kale oo uu u mahad celiyay Ciidamadda Boolisk oo uu xusay inay si wanaagsan uga shaqeeyaan ilaalinta ammaanka goboladii tiro-koobka ay ka fulinayeen Gudidiisu.Guddoo miyuhu wuu ka gaabsaday inuu ku dhawaaqo natiijo hor-dhac ah.

Waxa hawl-galkan laga fuliyay Goboladda Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil, Tog-dheer, Sanaag iyo Sool, waxaana magaalooyinkaasi laga dareemayay mudadii ay socotay xamaasad xo og leh iyo abaabul ay sameynayeen 15-ka urur-siyaasadeed ee haysta shahaadada diiwa an-gelinta ku meel gaadhka ah.
Waxa xiligan sida xeerka doorashooyinku dhigayo ururada cusub laga doonayaa inay qab sadaan shirweyneyaashoodii.


source:so