WAR-SAXAAFADEED

20 /09/2016
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed
Maxamuud Silaanyo w axa uu digreeto Madaxweyne oo Summadeedu JSL/M/XERM/249-4264/092016
tahay ku ma gacaabay Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of
Trustees for University of Harg eisa) oo ka kooban 11-xubnood. Sidoo
kale Madaxweynuhu waxa uu dhaqangeliyey oo uu sa xeexay wax ka
bedelka iyo kaabista ay Jaamacada Hargeysi ku samaysay xeerka
Jaamacad a.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa u
leedahay dhismaha Qaranka;
Markuu Ku Qancay: In la beddelo Guddidii hore ee muddada dheer soo
shaqaynaysay;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo Magacaabidda Guddida Sare ee
Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa);
Wuxuu go’aansaday;
In uu magacaabo Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of
Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood oo
faahfaahintoodu hoos ku xusan tahay:
1. Mudane, Cabdi-samad Cumar Maal Garyaqaanka Guud (Guddoomiyaha
Guddida).
2. Nafiisa Yuusuf Aw Muxumed Negaad (Guddoomiye Ku-xigeen Guddida).
3. Abdillaahi Ibraahin Habane Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare.
4. Cali Cabdillaahi Daahir Madaxa ICT Commission-ka.
5. Liibaan Ismaaciil Maxamuud Guddida Xuquuqal Iinsaanka.
6. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Duqa Caasimadda Hargeysa.
7. Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa.
8. Maxamed Faarax Xirsi Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta.
9. Cabdirashiid Maxamed Siciid Ganacsatada.
10. Cabdikariin Maxamed Iid Ganacsatada.
11. Suldaan Axmed Daahir Muuse Culimada.
Guddidu waxay xilkooda u gudan doonaan si waafaqsan Shuruucda Dalka
iyo Xeerka Jaamacadda Hargeysa.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|