Gudida
Guud Ee Beelaha Ciidagale Oo Ka Warbixiyay
Qaabkii Isdiwaangalintu Uga Dhacday Deegaanada
Kulan Balaadhan oo ay maanta
iskugu yimaadeen Aqoonyahanka, Odayaasha, Cuqaasha, Salaadiinta,
Boqorada, Waxgaradka, Dhalinyarada, Ururada Bulshada iyo xubno ka
tirsan saddexda gole ee xukumada kaga jira Beelaha Ciidagale oo
maanta warbixin guud ka dhagaystay Gudida Guud ee beesha.
Kulan oo Maanta ka dhacay Hudheelka Star ee Magaalada Hargeysa ayaa
ahaa mid siweyn loo soo agaasimay, iyadoo Guddoomiyaha Gudida Guud
ee beelaha Ciidagalena kaga warbixiyey madashaas gol-daloolooyinkii
ka soo baxay qaabkii komishanka doorashooyinku u maamulay hawshii
diwaangelinta ee Gobolka Maroodi-jeex iyo gobolka Gaaroodiba.
Guddoomiyaha Gudida Joogta ah ee Beelaha Ciidagale isla markaana ah
Guddoomiyaha Gudida Guud ayaa madasha kulanka ka akhriyay Bayaan uu
ku saxeexan yahay oo udhignaa sidan.
“Sida aad la wada socotaan, waxa ka qabsoomay Gobolka Maroodi-jeex
mudadii u dhaxeysay 1-6/12/2008 diwaangelintii Somaliland oo ay
beeshuna ay ka mid tahay.
Sidaa awgeed waxa aanu halkan idinka soo gudbinaynaa arrimahan hoos
ku xusan.
Xiligii Diyaargarowga:
1-Guddidu muddo ayey ku jirtay u diyaar garowga ku saabsan arrimaha
diwaangelinta.
2-Waxayna ka bilaabeen inay wacyigeliyaan dhamaan shacbiga beelaha
Ciidagale miyi iyo magaalaba.
3-Guddidu waxay ugu baxeen deegaanada ay degaan beeluhu safaro kala
duwan, oo xanbaarsan u jeedada iyo nuxurka ka danbeeya diwaangelinta,
taas oo dhalisay kidhihii looga baahnaa.
Caqabadihii Mudadii ay diwaangelintu socotay:
Diwaangelintu waxay si rasmi ah u bilaabantay wakhtigii uu
komiishanka doorashooyinku ugu talagalay oo ahayd 1/12/2008, oo
ahayd inay socoto muddo lix maalmood ah. Nasiib-daro maalintii
kowaad wax la taaban karo olo ka qabsoomay deegaanada ay beeshu ay
degto may jirin, Sidoo kalena ay tahay sidan hoos ku xusan:
1-Diyaar garowga Komiishanka oo liitay.
2-Qalabka diwaangelinta oo dhamaan cilado kala duwan lagala kulmay.
3-Dhalinyarada ku shaqeynaysay qalabka oo in badan oo ka mid ahi
khibrad u lahayn qalabka ay Is-ticmaalayeen, iyo khilaaf ka dhex
abuurmay kooxaha qaarkood taas oo hakisay habsami usocodka hawsha.
4-Komiishanka qaranku ma siin shidaal iyo qalab ku filan goobaha
diwaangelintu ka socoto. Waxa jiray Is-gaadhsiin la’aan ka jirtay
meelaha aanay gaadhin telefoonada Shirkadaha Madaxa banaan,
komiishankuna aanu waxba ugu talagelin. Dhaliilaha aanu kor ku
xusnay oo ah waajibaadkii komiishanka waxa dhabarka u ritay beelaha
Ciidagale.
Qaabkii Diwaangelintu u fushay:
Iyada oo ay jiraan Carqabadaha aanu kor ku soo sheegnay oo dhami
hadana waxa Ilaahay Mahadii ah in ay u suurta-gashay Beesha inay si
habsami ah oo nabadgelyo ah ay u qabsoonto hawsha diwaangelintu, oo
aan la gala kulmin wax nabadgelyo daro ah, oo dhaawacaya ama
kor-imanaya danta guud ee qaranka.
Inkasta oo mudada loogu talagalay Is-diwaangelinta dalku ay koobnayd
isla markaana aanay ku filnayn Sida ay xaqiiqdu tahay.
Waxa halkaa ka soo baxay inayna Gobolka Maroodi jeex is-diwaangelin
qiyaastii 40% [boqolkiiba Afartan].
Mahad Celin:
Guddida guud ee beelaha Ciidagale waxay u mahad-celinaysaa guud
ahaan Cidkasta oo nagala qeyb-qaadatay inay si habsami ah u
qabsoonto diwaan-gelintu deegaanada ay beeluhu degaan:
1-Hawl-wadeenadii iyo dhalinyaradii ka socotay Komishanka
doorashooyinka Qaranka.
2-Dhamaan Dhalinyarada Beesha.
3-Maamulka Degmada Salaxlay.
4-Ardayda Jaamacadaha iyo Dugsiyada sare ee Beesha.
5-Dhamaan Haweenka Beesha.
6-Qurba-jooga Beesha.
7-Ganacsatada iyo Shaqaalaha Beesha.
8-Xubnaha Golayaasha Qaranka ee Beesha.
Waxay Guddigu uu si gaar ah ugu mahad-naqaysaa Mudane Maxamed Yuusuf
iyo Maamulka Shirkada Star group oo hawl wax ku ool ah oo aan
Beeluhu ilaawi Karin ka geysatay hawlaha diiwaan-gelinta.
Talo Bixin:
Waxa Guddigu talo bixin ku soo jeedinaysaa:-
1-In la kordhiyo goobaha lagu soo reebayo Degmooyinka, si ay u
suura-gasho in ay is diwaan-geliyaan dadkii aan fursada u helin in
ay is diiwaan-geliyaan.”.
Gabagabadii Kulankan waxa hadal mahadnaq iyo waano iskugu jira ka
jeediyay Odayga weyn ee ruug cadaaga ah Xaaji Cabdi Xusseen (Xaaji
Cabdi Waraabe) oo ku amaanay Beelaha Ciidagaleweyne sida quruxda
badan ee ay uga qayb-qaateen hawlaha diwaangalinta ee Gobolka
Maroodi-Jeex iyo deegaanka Gaaroodiba. Sidoo kale duqa Caasimada
Hargeysa Mudane Eng-Maxamuud Xusseen Jiciir ayaa guud ahaad
umahadnaqay shacbiga Somaliland,gaar ahaan gobolka Maroodi-Jeex oo
xudun u ah beelaha Ciidagaleweyne.
Khadaryare
Hormoodnews
|