GUDIDA
FULINTA XISBIGA UDUB IYO SOO DHAWEYNTII XOGHAYAHA ARIMAHA DIBADA
London (TNN)-Waxa Xalayto ka
dhacay galbeedka magaaladan London Xaafadda Sheph erd Bush
shir balaadhan oo ay ka soo abaabuleen gudida fulinta ee uk uuna
hogaamin ayey Xoghaya Arimaha Dibada UDUB Maxamed C/lahi Ciise (Maxamed
Dheere) iyo taag eeryaasha. Waxa kale oo shirka kasoo qayb
galay Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shab eel iyo garabka
haweenka ee xisbiga UDUB
Shirkaas oo ay ka hadleen madax farabadan oo ah Xisbiga talada haye
ee UDUB waxa madaxdii meesha joogay ay soo jeediyeen adao aad u
muhiima iyo udiyaar garowga do orashada dhawaan dhici doonta.
Waxa ugu horeyn hadalo kasoo jeediyey xildhibaan Cabdikariim Aw Cali
Shabeel oo dha waan ka yimid Somaliland waxa uu ugu horeyn
tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay roo babkii dhawaan ka
da’ay isagoo tacsi u direy eheladii iyo qarabadii ay ka baxeen kuna
taliyey in dadkaa waxtar loo sameeyo.isagoo intaas ka dib
tageerayashii e sheegay in uu idiinka sido salaan Madaxweynaha
Somaliland Dahir Riyaale.Intaas kadibna warbixin kooban kaga waramay
dalkii.
Waxa intaas ka dib isna warbixin soo jeediyey Xoghayaha Arimaha
Dibada Maxamed C /lahi Ciise (Maxamed Dheere) oo dhawaan losoo
magacaabay jagadan waxa uu sheegay inaanu noqon doonin jago lasoo
magacaabo uun ee uu wax weyn ka qaban doono haws haa loo
igmaday,isagoo weliba sheegay inuu dib u habeyn ku sameyn doono
hawlo fara badan oo qabyo ah.Waxa kale oo uu sheegay wax qabad la
taaban karo ka sameyn doo no si loogu diyaar garoobo
doorashada soo socota.
Shirka waxa lagaga wada hadley sidii xisbiga loogu fidin lahaa
taageero buuxda door ashada madaxtooyada ee fooda inagu soo
haysa. Waxana lagu ballamay in la magaca abo xubno ka tirsan
guddiga fulinta oo arrintaa soo habeeya.
Maxamed Faysal Cilmi Cali
Dr Maxamed Aw Dahir
Ibrahim Ducaale Suleymaan (Talaabo)
Maxamed Xasan Jamac (Quule)
UDUB MEDIA
|