GUDIDA
DHAQAALADA GOLAHA WAKIILADA OO MAA NTA
WARBIXIN KA DHIIBAY SOCDAALKOODII

Fadhigii
golaha wakiilada Somaliland ee maanta ayaa waxaa warbixin ay kaga
dhagayteen gudihoosaadkii dhaqaalaha ee golahaasi. warbixntaas oo ka
hadlaysay socdaal gudidaasi ku tageen bishii shanaad ee sanadkan
dalka Ugandha taas oo ay gudidaasi la kulamyeen balaamna dalkaas ay
aadeen.
Fadhigii golaha wakiilada Somaliland ee maanta ayaa waxaa warbixin
ay kaga dhagayteen gudihoosaadkii dhaqaalaha ee golahaasi.
warbixntaas oo ka hadlaysay socdaal gudidaasi ku tageen bishii
shanaad ee sanadkan dalka Ugandha taas oo ay gudidaasi la kulamyeen
balaamna dalkaas ay aadeen.
waxaa kulankan gudoominaayey gudoomiyaha golaha baalamaanka mudane
Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Ciro.
Warbixin tan oo aad u dheerayd ayaa waxaa golaha hortiisa ka
akhiryey Maxamed Nuur Caraale Druur o ah xoghayaha gudida dhaqaalada
ee golaha baalamanaka waxaanuu ku bilaabay warbixintiitii xoghayuhu
sada tan.
Waxaan09/may/2009 guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada oo ay
weheliyaan xoghayaha guud ee golaha wakiilada iyo xoghayaha gaarka
ah ee guddidu ay safar shaqo ugu baxeen dalka Uganda. Safarkan oo
ujeedadiisu ahayd aqoon korodhsi ay guddidu kaga qayb galeysay
qaabka ay baarlamanka dalka ugaandha uga qayb-qataan hawsha
miisaaniyada (the Budget Process).
Haddaba, waxaynu ogsoonahay dhamaanteen dhameystirka xeerka
maaliyadeed ee qabyada ah iyo dhamaystirka qodobada ee 54 iyo 55aad
ee distoorka qaranka in ay u baahan tahay ama aaney ka maarmeyn
aqoon iyo waayo aragnimo, inagoo ay tahay inaan ka faa'iideysano
dalkalka aynu deriska nahay, sidaa awgeed guddida dhaqaaluhu waxay
nasiib u heshay in ay ka qayb galaan qorshaha miisaniyada ee dalka
Uganda waqtiga ay baarlamanka dalkaas gacanta ku hayaan taas oo
waayo aragnimo iyo aqoon badani ka soo baxdey mid ka mida
warbixinihii guddidu ka jeedisay kulmadii ay la yeelatey waaxyaha
Barlamanka Uganda Kulamaddi Guddida Intii ay safarka guddidu ku
joogtey dalka ugaanda waxaanu la kulanay:-
Guddida dhaqaalaha
Guddida miisaaniyada
Guddida arrimaha debada
Ku-xigeenka xafiiska maamulka ee baarlamanka
Ku-xigeenka xafiisaka sharciga ee baarlamanka
Agaasimaha miisaaniyada Baarlaamank
Sidaaso kale waxanu la kulanay xidhibaano kale oo badan.
Kulan Guddida Dhaqalaha G/wakiilada JSL iyo Guddida Arrimaha Dibada
ee Dalka Uganda.
Haddaba, iyadoo aqoonta iyo dhiirigelinta aanu soo helnay ay salka
ku hayso abuurida xeerkii miisaaniyada oo muhiimiimad qaran oo aad u
balaadhan leh, ayaa waxa loo baahan yahay in uu sifahan soo socda
yeesho:-
In miisaniyadu noqoto mid la wadaago (Participatory Budget)
taladeeduna ay hoosta ka soo unkanto.
In xeerka miisaaniyadu abuuro xisaabtan iyo daba gal (accountability
and monitoring) In dakhliga iyo kharashka dalka ay noqdaan qaar
furan (Openness) oo muuqda oo aan daboolayn si baarlamanku ula socdo
wixii jira.
Waxa kale oo xeerka miisaniyadu aanu ka maarmeyn xafiis miisaaniyada
(parliamentary budget office) oo ah xafiis ay ka hawlgalaan khubaro
dhaqaale yahan ah oo barlaamanka ka caawiya aqoonta dhaqaalaha.
Maxaa laga xusi kara ee miisaaniyada dalka Uganda ee aanu soo
aragney?
Xukuumada ayaa soo bandhigta bisha oktoobar qadarka miisaniyada ee
sannadka (Odoroska).
Novembar waxa la qabtaa
shir-qaran (National Conference) lagaga hadlayo sida loo qaybin
doono ama persentage-ka % cid kasta la siin doono iyo mudnaanta
halka la siinayo waxaan shirka ka soo qayb gala cid kasta oo
budget-ka saami ku leh. Ka dib waxa la diyaariyaa national budget
frame work paper oo ah buug cid kasta loogu xadidayo saamigeeda
iyadoo la raacayo taladii shirka ka soo baxdey.
Waxaa kale oo barlamaanku diyaariyaa warbixin dhameystiran oo ay ku
cadey cid kasta oo wax laga jarayo ama loo kordhinayo iyo sababta
iyagoo tixgelinaya policy statement wasaarad kasta iyo N.P.F.P May
ayaa m/weynaha loo gudbiyaa taladii barlamanaka iyo N.B.F paper.
Bil gudaheed 15 june ayaa wasiirka maaliyadu baarlamanka ka akhriyaa
siyaasada miisaniyada oo ay weheliso daynta qaranka lagu leeyahay
(National Dept).
Waxa kale oo aanu ka qayb galey hal fadhi oo barlamaanka dalka
Uganda kaas oo uu si diiran nogu soo dhaweeyey Gudoomiyaha
Barlamanka.
Waxa kale oo xusid mudan in aan la kulanaya ganacsato iyo ardey reer
somaliland ah oo ku sugan kampla, waxaaana wax ka barta jamacadaha
dalka 65 ardey oo reer somaliland ah waxanann u mhadnaqayna
Ganacsatada reer somaliland ee ku sugan dalka ugadna oo kala ah:
Eng. Ahmed Muse
Aden Ess
Gudomiyaha Guddida Arrimaha Dibada Barlamanka Uganda oo Shahado
Sharaf Gudoonsiinaya Gudoomiyaha Guddida Dhaqalaha G/Wakiilada JSL.
Waxa halkan gudoomiye ka xusayaa “6” ardey oo dhibweyni ku haysay
kamapla, ka dib markii hayadda UNESCO oo deeq waxbarsho u dirtay ay
joojisay kharashkii ay ka bixinaysey iyagoon ardeydii dhamaysan
waxbarshadoodii, ardaydaas oo barta caafimaadka.
Guntii iyo iyo Gunaanadkii :-
Waxa xusid mudan barlamanka dalka Uganda oo na gudoonsiiyey hadyad
Magacyada Guddida
Mohamed Nur Arale Gudoomiye
Ali Hassan Mohamed Xubin
Mahamed Jama Ali Xubin
Ali Obsiye Dirie Xubin
Nasir H. Ali Shire Xubin
Mahamed Osman Bulqas Xubin
Suleiman Awad Ali Xubin
Mahamed Hassan Kahin Xog. Gud.
Ahmed Suleiman Nour Xog. Guddi.”
Xamase Xasan
Hargaysa
|