War-Saxaafadeed:Gudida Beelweynta Habaryoonis Ee Ta lo Iyo Tawfiiq Oo Fariimo Culculus Iyo Digniino U Kala Diray Xuk umada,Guurtida,Golaha Wakiilada Iyo Bulshoweynta Somaliland Gudo Iyo Debedba.

 


Gudidaa Talo iyo Tawfiiq ee Beelweynta Habar-yoonis ayaa soo saarey War-saxaafadeed ay kaga hadlayaan dhinacyo badan oo ku taxaluuqa xaalada cakiran ee dalku galay, dhinacyade y la hadleena u kala diray Fariimo , digniino iyo talooyin dhaxalgala .


Gudidda Talo iyo Tawfiiq waxay warsaxaafadeedkooda kaga hadleen farogelinta qaawan ee Xukumada Somaliland kula dhexjirto Hayadaha sharcidejinta qaranka iyo khilaafaadka ka dh ex oogan Golaha Wakiilada. Taa ka sakow waxay Gudiddu talooyin wax-ku-oola u soo jeediy een dhinacyada is-haya ,Bulshoweynta Reer Somaliland iyo xukumada lafteedaba.

Ugu horeyn Gudidu waxay war-saxaafadeedkooda uga digeen xukumada inay faraha kala ba xdo ,tushuushkana ka deyso habsami u socodka hawlaha Golaha wakiilada.Waxay kaloo Gudi du warsaxafadeedkoodu ku xuseen in ujeedada ugu weyn ee xukumadu ka leedahay faro gel inta iyo burburinta Golaha Wakiilada ama ay ka dhex raadinaysaa tahay inay hesho fursad muddo korodhsi maadaba mudo xileedkeedu soo gaabtay,iyadoo doonaysa inay golaha wak iilada ka dhigato salaankii ay kursiga mar kale ku fuuli lahayd, una maamulato siday doonay so .

Sidoo kale waxay Gudidu fariin culus u direen Golaha Wakiilada laftooda iyagoo xasuusinaya Dhaartii ay Ummada horteeda kitaabka Quraanka ah ugu dhaarteen,balanqaadeena inay dantooda danta Qaranka ka hor marinayaan, Hase yeeshee waajibaadkii iyo waxqabadkii Bulshadu ka filaysay waxay ku bedesheen inay ka fekeraan danahooda gaarka ah Taas darteed Gudidu waxay Barlamaanka xusuusiyeen in golahoodu leeyahay Shuruuc iyo xeerar ku filan oo uu isku maamulo, waana kuwuu ku soo dhaqmaayey mudadii 8-da sano ahayd ee ay xilka hayeen,taas la ajligeedna aan maanta loo baahnayn,lagana wanaagsan yahay in Barlamaanka u dhega-nuglaado ujeedooyinka iyo khalkhalgelinta xukumadu wado,waxaanay gudida talo iyo tawfiiq u soo jeediyeen Golaha wakiilada in qaab-dhismeedkooda iyo shir-gudoonkooda u daayaan ama ku celiyeen sidii uu 8-da sanadood ku soo shaqeynaayey.

Taa ka sakow waxay Gudida Talo iyo Tawfiiq fariin u direen Golaha Guurtida waxayna xasuus iyeen inay yihiin Golaha ugu mudan ee Somaliland ku faanto inay cid walba dheer tahay,ku d arsoo dalkana ka badbaadiyey, kalana soo dabashey marxalado adag,mushkilado iyo khilaaf aad culculus oo hore u dhacay,waxayna intaas ku dareen inay maantana ka rajaynayaan inay ka fekeraan waxayaalaha danta u dalka iyo dadkaba,Golaha Wakiiladana ku qanciyeen inay sidoodii hore u daayaan shirgudoonkooda.

Geesta kalena Gudida Talo iyo Tawfiiq waxay fariin u direen Bulshoweynta Reer Somaliland gudo iyo debedba ,fariintaas oo iftiiminaysa in cawaaqibka ka dhalan doona burburinta ay xukumadu kula dhexjirto Golaha aanu samayn doonin Beel gaara iyo cid gaara balse saam eyn weyn ku yeelan doono dhamaan Bulshoweynta reer Somalilan yar iyo weyn,Rag iyo Dumar,Caruur iyo Cirrolaba taas darteed waxay Gudidu Bulshoweynta reer Somaliland ugu baaqeen,kuna dhiirigeliyeen ina la joogo waqtigii ay dareenkooda muujiyeen lahaayeen, qadiyadan xukumadu dabada ka riixayso iyo furfrukan ay golaha wakiilada ka dhexwadana meel cad iskaga taagi lahaayeen.



Isku soo wada duuboo waxay Gudidu hadalkoodu ku soo afmeereen in Somaliland heerkan maanta ay marayso ama taagan tahay ay ku soo gaadhay Wadahadal ,dulqaad iyo isu tan aasul wixii khilaafada ee kolba dhexdooda yimaada Taas darteed ay bulshadu ku gubaabinay aan inay ka hortagaan,kana hadlaan habdhaqankan cusub ee xukumada la soo baxaday ber yahan danbe.



Gudida Beelweynta Habar-yoonis ee Talo iyo tawfiiq