Guddoomiyeyaasha Kulmiye, Ucid Iyo Wakiilada Oo Cambaareeyay Qaraxyadii Argagixisada Ahaa

 

Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee Kulmiye, UCID iyo Golaha Wakiilada, ayaa caawa si adag u cambaareeyay falkii waxashimada ahaa ee shalay lagu soo qaaday xarunta madaxtooyada, xarunta UNDP iyo Safaaradda Wakiilka Itoobiya ee Somaliland. Guddoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa to;,aa,au om duulimaadkani yahay mid lagu soo qaaday qaranimada Somaliland, doorashadeena iyo diiwaangelinta, waxaanu shacbiga ugu baaqay in ay isgarab taagaan xukuumadooda oo ay kala shaqeeyaan adkaynta nabadgelyada oo ay wada noqdaan booliis. Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamey kuwa falkaasi ku kacay kuwo sheydaan duufsadey oo aan islaam aheyn, waxaanu xasuusiyay shacbiga in aaney arrintaasi cidna ku xumeyn dadka halkan qaxootiga ku yimid, oo ay yihiin kuwa falkan axmaqnimada ah sameeyay kuwii iyguba ay ka soo qaxeen.
Waxa kale oo uu ku baaqay dadkii ku dhintay weerarkan in loo sameeyo aas qaran.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa isna si adag u cambaareeyey falkaasi oo uu cadeeyey in uu yahay fal argagixiso oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo Somaliland.

Mudane Siilaanyo, waxa uu sheegay in ujeedadu ahayd sidii loo dhicisayn lahaa diiwaangelinta iyo nabadgelyada, waxaanu shacbiga ku guubaabiyay in ay meel uga soo wada jeestaan cadowga soo qaaday duulimaadka axmaqnimada ah. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa isna ku guubaabiyay shacbiga in ay u diyaar ahaadaan sidii ay uga difaaci lahaayeen dalkooda cadowga soo weeraray.


Guddoomiyeyaashu waxa ay tacsi u direen qoysaskii iyo eheladii ay baxeen dadkii ku geeriyooday falalkaasi.
 


 


Hormoodnews.