Guddoomiyeya Guurtida oo ku Gacansaydhay Codsi Ma
daxweyne Rayaale u Qaddimay Nuxurka kulamo
goonni-goonni ah oo Rayaale la yeeshay hoggaamiyeyaasha
mucaaradka iyo shirguddoonka Guurtida

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md.
Saleeb aan Maxamuud Aadan , ayaa ku gacansaydhay codsi Madaxweyne
Daahir Rayaa le Kaahin kaga dalbaday shalay inuu soo beddelo
mid ka mid ah labada xubnood ee uu soo xulay Komishanka
Doorashooyinka cusub.
Madaxweyne Rayaale ayaa kulamo goonni-goonni ah qasriga madaxtooyada
geli nkii hore ee shalay kula yeeshay shirguddoonka Guurtida iyo
hoggaamiyeyaasha labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID.
Ma jiraan warar rasmi ah oo dhinayadu ka soo saareen kulamadaas,
arrimaha la ga wadahadlay iyo natiijada ka soo baxday toona.
Haseyeeshee, sida ilo xogogaal ah Jamhuuriya u xaqiijiyeen, waxa
nuxurka waxyaabaha lagaga wadahadlay xud dun u ahaa qaddiyadda
dhismaha Komishanka cusub ee Doorashooyinka Somalil and, kadib
markii Madaxweyne Rayaale ka gaws qabsaday inuu dhinaca Golaha
Wakiillada isu dhaafiyo xubnaha ay soo xuleen Guurtida iyo xisbiyada
mucaaradka oo uu iyaga hore ugu celiyey labadii xubnood.
Waxa kale oo ilahaasi tibaaxeen in Guddoomiye Saleebaan Maxamuud
Aadan gaa shaanka u daruuray dalab Madaxweynuhu u qaddimay oo
ku saabsan inuu bedd elo mid ka mid ah labada xubnood ee
Guurtidu soo magacaabeen, kadib markii uu ku guuldarraysay inuu
xubintaas oo ah suxufiga caanka ah ee Xasan Siciid Yuusuf u helo
asbaab uu u cuskado qorshe uu ku damacsanaa inuu dib ugu celiyo
Golaha Guurtida.
Warku waxa uu intaa ku daray in Gudoomiyaha Guurtidu u caddeeyey Md.
Raya ale in aannu ka noqonayn magacaabista Xasan Siciid oo uu
sheegay inuu buuxiy ey shuruudihii looga baahnaa xubnaha
Guddiga Doorashada noqonaya, sidaa dart e edna haddii uu
Madaxweynuhu u hayo wax uu ku horjoogsanayo badka soo dhi go,
una gudbiyo Golaha Wakiillada oo iyagu xaq u leh qiimeynta,
ansixinta amma diidmada xubnaha loo soo xulo Komishanka Qaranka.
Sida ilaha xogogaalka ah xuseen taas beddelkeeda waxa uu Md.
Saleebaan isag una dhinaciisa Madaxweyne Rayaale u gudbiyey
codsi uu kaga dalbay inuu si de gdeg ah u dhammaystiro
magacaabista xubnaha ka dhiman Komishanka cusub, dhaqsana ugu
gudbiyo Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan, maadaama waqtigu
isgurayo qorshihii hawlgalka Guddiga Dorashada cusub loo
qoondeeyeyna geba gebo yahay.
Dhinaca kale, waxa Md. Daahir Rayaale shalay kulan la yeeshay
Guddoomiyeyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, kaas oo sida la
sheegay labada masuul kaga wada xaajoodeen haweenayda xisbigaas u
soo xulay Komishanka oo Madaxwe ynuhu dib u celiyey, isagoo
sabab uga dhigay inay ka tirsan tahay guddiga fulinta KULMIYE,
arrintaas oo Guddoomiye Siilaanyo deedafeeyey, kuna tilmaamay mid
aannu xaq u lahayn.
Inkastoo aanay labada geesood midkoodna wax war ah ka soo saarin
kulankaas iyo waxyaabaha lagu falanqeeyey, haddana sida
ilo-wareedyadaasi tibaaxeen dood dheer kadib, waxa Guddoomiyaha
KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku qanciyey in
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu si buuxda u aq balo
xubinta xisbigiisu u wakiishay Komishanka cusub, sidoo kalena
Madaxwe ynuhu ballanqaaday inuu saacadaha soo socda ku dhawaaqi
doono magacyada saddexda xubnood ee u soo xulay xubnaha Guddiga
Doorashada oo isku dhanna degdeg ugu gudbin doono Golaha Wakiillada
si ay u ansixiyeaan, kadibna dhaqso ugu hawlgalaan.
Sidoo kale, waxa xogahaas xuseen in Madaxweyne Rayaale xisbiga kale
ee muca aradka UCID ku wargeliyey inuu aqbalay xubinta cusub
ee uu soo magacaabay Komishanka Doorashooyina, uguna mahadceliyey
beddelka xubintii uu hore ugu celiyey.
Source: Jamhuuriya Online
|