Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya oo deeq-waxbarasho ugu deeqay 10 Arday oo reer Somaliland ah


 

Hargeysa (Timacade News)- Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax  M acallin, ayaa deeq waxbarasho ugu deeqay 10 Arday oo ka soo jeeda Gobolka Sool ee Somaliland, ka dib markii uu socdaal ku tegay toddobaadyadii aynu ka soo  gudu bnay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaas.

Guddoomiye-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in Md. Faarax Macallin waqti uu dhawaan booqasho ku tegay  Mag aalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool uu deeq waxbarasho siiyay 10 Arday oo uu ka bixin doono kharashka waxbarashada. “Toban Arday oo Dhakhaatiir ah, shan dhakhtar oo Caafimaadka Xoolaha ah iyo kuwa Caafimaadka dadka ah, ayuu ka bixinayaa waxbarashada Dugsiga sare ee Caafimaadka Xoolaha ee Sheekh iyo Jaamacadda Cammuud.” Ayuu yidhi Baashe Maxamed oo maanta u waramay  Laan ta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC.

Baashe Maxamed Faarax wuxuu sheegay in Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya uu sidoo kale ballan-qaaday in haddii Xukuumaddu si wacan u maamusho deeqdan waxbarasho uu 10 arday oo kale ku kordhin doono oo uu ka bixin doono kharashka waxbarashada.

Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Mr. Faarax Macallin ayaa dabayaaqadii bishii December isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa dalka ku yimi booqasho muddo toddobaad ah qaadatay oo uu ku soo maray Magaalooyinka Borama, Berbera iyo Laascaanood.



Source: Somaliland.Org