Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB oo ku Dooday in Mowqifka Rayaale aannu Saamayn ku Yeelan Doonin Murrashaxa Xisbigooda

 



Hargeysa (TNN)- Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee UDUB Md. Axmed Yuusuf Y aasiin ayaa ku dhawaaqay in hadalkii ka soo baxay Guddoomiyaha xisbiga Md. Daahir Rayaale Kaa hin aannu wax saamayn ah ku yeelan doonin go’aankii Guddiga Fulintu ku doorteen in Jamaal Cali Xuseen noqdo murrashaxa jagada madaxweynaha.

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo shalay shir jaraa’id ku qabtay gurigiisa magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in go’aanka UDUB ku doortay murrashaxa madaxweynaha ee doorashada Madaxtooy ada soo socota uu ahaa mid sharci ah oo ka soo baxay aqlabiyadda Guddiga Fulinta, isla markaa na lagu burin karo oo keliya shirweynaha xisbiga oo awoodda ugu dambaysa leh. Sidoo kalena wa xa uu xusay in Jamaal Cali Xuseen uu buuxiyey shuruudihii laga rabay murrashaxiinta u dhex tart amaya jagada madaxweynaha ee xisbiga UDUB.

Madaxweynihii hore, ahna Guddoomiyaha UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin oo isaga oo ku sugan dalka Faransiiska warbaahinta u sheegay in go’aanka Guddiga Fulintu ku dooratay murrashaxa m adaxweynaha uu ahaa mid aanay waxba ka jirin oo dib loogu noqon doono. Haseyeeshee, Guddo omiye-ku-xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo arrintaasi daba socday waxa uu sheegay in doorashada murrashaxa madaxweynaha xisbigu ahayd mid sharci ah oo loo maray shuruuc iyo nidaam loo dejiyey oo ansax ah, waxaannu xusay in Guddiga Fulintu sharci-darro u arkeen qoraal Md. Rayaale khadka Emaylka ee internetka ugu soo diray oo uu ku sheegay inuu laalay kala xul ista murrashaxiinta u tartamaya jagooyinka madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga dhexdiisa, isla markaana la gudogeli doono kadib doorashada golayaasha degaanka, balse qoraalkaas waxa Axmed Yuusuf ku tilmaamay mid si shakhsi ah uga soo baxay Guddoomiyaha oo aan xisbiga ka soo bixin.

“Horta Daahir Rayaale cudurdaarkiisa wuu leeyahay oo maanta Guddoomiye maaha oo dalka ay uu ka maqan yahay, Guddoomiyihii xisbigu maanta waa aniga, maalinta uu yimaadana kursiga ani gaa u bannaynaya, ninka markaa shirka Guddoominaya ayuun baa Guddoomiye ah ee ninka maq ani maaha. Ta kale guddi fulineed go’aankeeda waxa burin karaa waa shirweyne, nin kale ma bu rin karo xataa aniga,” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka jawaabayey su’aal la waydiiyey oo ku saabsanayd go’aankii Guddiga Fulinta iyo hadalkii Daahir Rayaale ka ansaxa ah.

Waxa kale oo Axmed Yuusuf Yaasiin saxaafadda u soo bandhigay xeerar iyo shuruuc badan oo la xidhiidha dib-u-habaynta, dhismaha iyo u diyaargarowga ka qaybgalka doorashada golayaasha degaanka ee xisbiga UDUB muddadii uu isagu ku-simaha ahaa oo guddoomiyuhuna si buuxda ugu soo igmaday, kuwaas ay ka mid yihiin wax-ka-beddel lagu sameeyey sharciga guud ee u yaal UD UB oo dhigaya in la kala saaro guddoomiyenimada iyo murrashaxiinta, xeerka hab-raaca murrash axiinta golaha degaanka UDUB, qorshihii hawlgalka xisbiga ee heer gobol iyo degmo iyo qaar kale, kuwaas oo dhammaantood ay ansixisay Guddiga Fulintu.

Sidoo kale, waxa uu kashifay dhukumentiyo iyo qoraallo caddaynaya in xidhiidho kala duwan oo dhexmaray isaga iyo Daahir Rayaale, kuwaas oo ay ka dhexmuuqdaan in Guddoomiyaha UDUB duruufo u gaar ah awgood uu dalka iman kariwaayey, sidaa darteedna uu si buuxda ugu igmaday Guddoomiye-ku-xigeenkiisa inuu maamulo hawlaha xisbiga.

Dhinaca kale, Md. Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu si faahfaahsan uga hadlay sababaha dhabta ah ee keenay in Jamaal Cali Xuseen loo doorto murrashaxa madaxweynaha ee UDUB iyo qaabka Cali Maxamed Warancadde uga hadhay tartanka, isla markaana waxa uu ku eedeeyey Cali Waranca dde inuu ka horyimi shuruucda iyo shuruudaha la xidhiidha murrashaxnimada xisbiga ee isagu diy aarintooda saamaynta ku lahaa, kuna guul darraystay inuu bixiyo lacagta deebaajiga murrashax iinta oo isagu sharci ka dhigay.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxa la isla gartay in xisbigu u baahan yahay m iisaaniyad uu dib loogu dhiso oo uu kaga baxo doorashada dawlaha hoose, taas oo khuburo loo saaray oo aad u kala dhigdhigay ay soo saartay inay ku baxayso lacag dhan $300,000 (saddex boqol oo kun oo doollar, kadibna waxa la iswaydiiyey halka lacagtaasi laga keenayo, waa laga dooday waxase loo badnaa bahwaynta xisbiga ha loo qaybiyo, laakiin saaxiibkay Cali Warancadde anigu ceebaynmaayo oo ceesh baanu wada cunaye wuxuu yidhi lacagtaa xisbigu u baahan yahay aniga ayaa xambaaraya oo murrashax ah, waxa la yidhi waar ka daa oo ragga murrashaxiinta ah oo dhan ha loo qaybiyo, maya ayuu yidhi markhaati ayey leedahay oo waxaan dhukumenti aha yni aniga iga reeban, halkaa markay marayso ayaa la bilaabay xeerka murrashaxiinta oo loo saaray guddi dhaqaaleyahan ah.

Xeerkaa qodobka khuseeya murrashaxiinta, waxa uu leeyahay, ‘Waxa murrashax kastaa ku soo shubi doonaa xisaab bangi oo gaar ah (special bank account) lacag kayd ah oo dhan $285,000 (laba boqol iyo shan iyo sideetan kun oo doollar) muddo laba toddobaad gudahood ah marka la baahiyo. Waxa maamuli doona xisaabahaa murrashixiinta tartamaya iyo guddoomiyaha xisbiga, haddii loo baahdana murrashaxiintu waxay magacaabi karaan wakiillo guddoomiyaha la maamula ha lacagtaas.”

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sharraxaad ka bixiyey sababaha keentay in Jamaal Cali Xuseen uu noqdo murrashaxa jagada madaxweynenimo ee xisbiga UDUB, isla markaana uu Cali Waranca dde ku waayey, waxaannu yidhi, “Xeerkan markii Guddiga Fulintu u coddaysay ayaan 13 bishii D ecember ku idhi Xoghayaha baahi oo sida uu xeerku sheegayo in muddo laba toddobaad ah murr ashaxiintu ku soo gudbiyaan deebaajiga iyo lacagta kaydka ahba, waana la baahiyey, markay mu ddadii shan casho marayso ayaa aniga [Axmed Yuusuf], Maxamuud Siciid iyo Siciid Sulub waxa n oo yeedhay Cali Warancadde huteelka KAAH oo wuxuu nagu yidhi lacagtii ma hayo, waxaan ku nidhi waar Cali sowdigii lahaa waan xambaarayaa xisbiga, anigu aad baan u naxay markii ninkii aannu saaxiibka ceesh iyo milixda ahayn uu yidhi lacagtii ma hayo, maalintaa Khamiis bay ahayd oo waxaannu ku nidhi bil ilaa Sabtida aannu ku sugno, iyadiina waxay noqotay in aanay waxba ka soo indho-caddayn, maalintii aan idhi haddii ay yimaadaan rag Cali ka tallaabo dheeri markaas ayey ahayd, waa kelmada uu ka xanaaqay ee la yidhi cid buu u eexanayaa, waa markii saaxiibkay Cali Warancadde uu noo xogwarramay ee uu yidhi waxba ma hayo, marka horena rag badan oo dibadaha joogay oo murrashaxiin ahaa ayaanu ku nidhi naga joogga waanu isku filanahaye, laakiin maalintaasi ayaanu soo fasaxnay cid kasta oo murrashax ah.”

“26-kii December oo maalin keliya ka hadhsanayd muddadii loo qabtay murrashaxiinta ayaa sida xeerku dhigayo aniga iyo Cali Warancadde aannu akoonkii xistaabta furka ee lacagta murrasha ee laga doonayo uu ku shubi lahaa ka furnay shirkadda Dahabshiil, maalintii 27-kii bisha oo ahayd wakhtigii kama dambaysta ah ee loo qabtay murrashaxiinta ayaan waydiiyey Dahabshiil in Cali Warancadde lacagtii shubay, waxay iigu soo jawaabeen waxba laguma shubin, kadibna Cali sharc iga ayaanu u jebinay oo wakhti baanu ugu darnay 28-kii, 29-kii, 30-kii, 31-kii ayaanu waxba shub in. Cali waxa uu dadkii ku wareeriyey akoont shakhsi ah oo isagu leeyahay oo uu lahaa kaasay lacagtii ku jirtaa, dabadeed waxaannu 2-dii bishan socota ee January warqad u qornay Dahabsh iil oo aannu ka codsanay inay noo kala caddeeyaan in akoonka Cali sheegayaa yahay mid gaar ah iyo inuu yahay mid wadareed, waxaanay noogu soo jawaabeen akoonkaasi waa mid u gaar ah C ali Maxamed Warancadde ee shaqo kuma lihid.

Murrashaxa kalee Jamaal Cali Xuseen waxa uu isagu lacagtii kaydka ahaydba oo dhan $285,000 (laba boqol iyo shan iyo sideetan kun oo doollar) uu ku shubay akoon xisaab wadareed ah bang iga Salaam,” ayuu yidhi Md. Yuusuf.

Waxa uu intaa ku daray, “Iyadoo aannu Cali Warancadde bixin lacagtii xeerku dhigayey ayaanu haddana ku darnay oo aannu nidhi yaan laga reebin shirkii Guddiga Fulintu ku kala xulayeen murr ashixiinta si uu barmaamijkiisa siyaasadeed u jeediyo. Markii shirka la gelayey oo koorarmku buuxo ayaa Ku-simaha Xoghaha xisbigu ii yimi oo uu ii dhiibay warqad uu yidhi waa emayl ka yimi Guddoomiyihii xisbiga, kadibna waxaan u dhiibay Guddigii Fulinta oo aan ku nidhi warqadan ka war rama, markii la eegay waxa la yidhi warqaddani sax maaha, waayo Guddoomiyuhu (Daahir Raya ale) telefoon buu kuu soo diri lahaa (Axmed Yuusuf) haddii uu kaaga u soo geliwaayana intaas oo qof ee guddida ah ayuu soo garaaci lahaa, ta kale guddi waxay yidhaahdeen warqadani maaha mid ka soo baxday xisbiga ee waa mid laga soo saaray ciwaan gaar ah, markaa Guddigu Fulintu waxay u arkeen mid aanay waxba ka jirin.”

Axmed Yuusuf waxa uu shaaca ka qaaday in Guddoomiyaha xisbiga Daahir Rayaale uu si buuxda ugu igmaday kala saarida murrashaxiinta xisbiga gudihiisa uga tartamaya jagooyinka madaxweyn aha iyo ku-xigeenkiisa.

“Xisbigu lix bilood ayuu wada fadhiyey oo Guddoomiyuhuna si buuxda iigu igmaday xilka oo uu w eliba 35 igu kaabay. Mar arrintu adkaatay oo anigu aan ka soo horjeeday ku dhawaaqista murras haxa ee deg degga ah waan la hadlay Guddoomiyaha (Daahir Rayaale) oo waxaan ku idhi madax weyne xulida murrashaxiintu haddii aanay ka dambayn doorashada deegaanka khalkhal baa dhici kara ee hebel, hebel iyo hebelba la hadal oo jooji, wuxuu igu yidhi anigaa ka hawlgalaya ee waan kugu soo celin, labadii qolaba waa waydiiyey wuxuu kula hadlay Guddoomiyuhu iyagaa sheegi do ona anigu sheegimaayee, aniga ayuu igu soo celiyey oo wuxuu igu yidhi Axmedow dhex noqo oo kala goo, anigu wixii meesha ka dhacay waan kala gooyey oo waxaan raacay aqlabiyadii oo waan ku khasbanahay,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yasiin.

 

 

source:jam