Guddoomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Wakiilada sam aale aya maanta si wayn u naqdiyay habd haqanka xukuumada madaxwayne Rayaale
 


Hargeysa(Longlivesomaliland News)-Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Casiis Maxamed Samaale, ayaa maanta shirjaraa’id oo uu ku qabtay hoolka war-baahinta ee Golaha wakiilada Somaliland, waxa uu si wayn ugu difaacay mooshinkii golahoodu ay ansixiyeen ee la xidhiidhay in laga nodo qaraarkii Komishanka doorashooyinku ku laaleen diiwaan gelintii  codbixiyey aasha, waxa kale oo uu Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay inuu ku tuntay  shuru ucda dalka isla markaana mar uun lagu xisaabtami doono.





Md. C/casiis Samaale wuxuu Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay inuu dalka  gaad hsiiyay marxalada adag ee maanta Dalku marayo isaga oo arintaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Maanta xaalad adag oo ay dhici karto inay adkaato ayaa lagu jiraa, xaaladaa cida la rabo inaanay adkayn ee meesha xuna gaadhsiisay waa nidaamka siyaasiga ah ee maanta dalkeena ka jira waa Madaxweynaheena waxa la rabaa Madaxweynuhu inuu aad iyo aad u tix gelo oo uu xaq dhawro  dadweyn ihii soo doortay, oo uu ku xaq dhawro inuu shuruucda dalka iyo waxa inoo yaala aanu ku tuman. Dastuurkeena qodobka 90-aad fiqradiisa 14-aad waxay leedahay Madaxweynuhu wuxuu xilkiisa u fulin doonaa si waafaqsan dastuurka iyo  xeerar ka dalka. Awoodo badan ayuu Madaxweynuhu leeyahay oo dastuurkeenu  siinay aa. Looma ogola Madaxweynuhu inuu jabiyo dastuurka iyo xeerarka dalka, waxa ad maqlaysaa mararka qaarkood dad leh Madaxweynuhu dastuurka ma jabiyo ee Xeerarka ayuu jabiyaa xeerarka iyo dastuurku waa isku mid waayo xeerarka dastuurka ayaa laga dheegtay.”



Md. C/Casiis Samaale wuxuu difaacay Go’aankii Golaha Wakiiladu ay ku ansixiyeen mooshinkii dhawaan ay meel mariyeen ee la xidhiidhay in laga noqdo go’aankii lagu laalay diiwaan gelintii codbixiyeyaasha, waxaanu yidhi “Go’aankii Golaha Wakiiladu wuxuu ahaa mid sharci ah, waxaan u sheegayaa Madaxweynaha in Golaha Wakiiladu uu yahay Gole la soo doortay oo ka wakiila  dadweyna ha,Go’aankaasi Madaxweynuhu dagaal ayuu ka galay oo uu isku dayay inuu baajiyo fadhigii lagu ansixinayay, ma aha askhaas la magacaabay oo sida uu Madaxweynuhu xaqa ugu leeyahay Wasiirada oo maalinba wasiirka uu doono dadka ka xusho oo uu qabiilkuu doono ka xusho, oo uu aqoonta uu doono ku xusho.



Madaxweynaha miyaynu nidhaahdaa muxuu qofkaa u soo xushay? Maya Sadex Wasiir oo isku reer ah ayuu eryi, sadex kale ayuu keensan, cid odhan karta  Mad axweynaha maxaad u eriday sadexa Wasiir ee isku reerka ah ma jirto, inkasta oo siyaasiyan lagu dhaliilo karo Madaxweynaha arrintaa. Golaha Wakiiladu xeerarka uun ma dejiyaane’e shaqooyin badan bay leeyihiin marka Xukuumadu ay  hesh iisyo galayso ama siyaasad gelayso waa inay ka ansixisaa Golaha Wakiilada, wa allaale iyo waxa heshiis dawliya ee aan golahaa la horkeenin waa baadil. Waana heshiis aan jirin oo goluhu wakhtigii uu doono burin karo.”





“Marar badan baynu maqlaynaa iyadoo la leeyahay shuruucdii ayaa la isku  hay staa, waxa la isku hayaa waxa weeye sharcigii dad baa ka weyn qof baa sharciga dhaafay,waxaynu kari la’nahay in qofkii sharciga dhaafay sharciga u soo noqo la yidhaahdo oo haba diidee kalmada xaqa ah la yidhaahdo,”ayuu yidhi Md. Cabdi-Casiis Samaale.



Guddoomiye Ku Xigeenku wuxuu ka hadlay ergooyinkii hore u galay dhex  dhexaa dinta khilaafaadyadii dalka, oo intoodiiba uu Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay inuu ka baxay, waxaanu yidhi “Dhawr jeer oo hore ayay Guddiyo kala duwani Madaxweynaha iyo Axsaabta, Madaxweynaha iyo Goleyaasha dhex galeen  dham maanba Guddiyadaasi galay halkee ayay ku dambeeyeen, waa in la isweydiiyaa, waayo laga yaabaa inay maantaba way taagan tahay arrimihii hore oo kale’e oo ay is xilqaamaan si dhibaatooyinka taagan wax looga qabto.haddii aan sharciga lagu socon oo awoodaha dastuuriga ah ee la wada leeyahay qof kaligii qaato waxa hubaal ah in wax badani khaldami doonaan.”





Guddoomiye Ku Xigeenku wuxuu ku dooday in Komishanka doorashooyinka  qaran ku ay qaateen awood aanay lahayn oo ka baxsan xeerka doorashada Goleyaasha deegaanka iyo Madaxtooyada ee Xeer No 20, waxaanu yidhi “Komishanka  dooras hooyinka qaranku waa haayad qaran oo sharci ku dhisantay oo sharciyadeedda aanay cidi ku muransanayn, waxaanay awoodaha Komishanku ku qeexan yihiin Xeer No 20 oo soo baxay 2001-kii Qodobkiisa 14-aad, Komishanku waxay qaateen awood aanay lahayn, xeer xeerarkeena ka mid ah intay laaleen ayay  yidhaahd een diiwaan gelin la’aan ha lagu galo doorashada, waxay ahayd haddii shaciga Somaliland ay go’aansadaan in bilaa diiwaan gelin la’aan lagu galo doorashada waxay ahayd sadexda xisbi waa marka hore ka heshiiyaan markay isku  waafaqa ana in Golaha Wakiilada loo keeno si ay shuruucda u waafajiyaan. Sharcigiina lama marin arrintaas ee si fudud ayaa loo yidhi Komishanka doorashooyinku ha ku dhawaaqaan awooda Komishankana awood kale ayaa ka dambaysa sida runtu tahay.”



“Haddii uu Madaxweynuhu bixinayo oo ay dalka soo gashay 3 milyan iyo badh Dollar oo doorashooyinka lagu qabanayo,ama madaxweynuhu dalalkii uu  socd aalka ku tagayba ilaahay inaga soo siiyay illaahay ka soo siiyay lacag intaasi leeg, waa in iyana wadada sharciga ah la soo mariyaa oo Golaha laga ansixiyaa, haddii aynu deeqbixiyeyaashii ka maarmayno,”ayuu yidhi Md. Samaale, waxaanu intaasi ku daray “Dalka dhaqaale Xumo ayaa Ka taagan Golaha Wakiilada ee la soo  door tay dhawr bilood ayaanay mushahar qaadan, Goleyaasha qaranka iyo  shaqaala ha kale ee dawladuna waa la mid, haddii dawladeenu ay hayso lacag siyaado ah oo doorashada lagu galo maxay u dib ugu dhacday Mushaharooyinkii loo baahnaa,waxaan qirayaa nabad gelyada lafteeda dhibaato badan ayaa ka taagan Anigoo ku hadlaya magaca Golaha Wakiilada waxaanu aad iyo aad uga xun nahay mashaqada ka taagan Ceelbardaalle,waxaanu tacsiyadeynaynaa dhammaan dadkii ku geeriyooday Ceel bardaalle dad walaalo ah oo is dhalay oo cid iska xigtaana aanay jirin, waxaanu leenahay dad walaalo ah baad tihiine’e haddii mararka qaarkood dadka xilka hayaa ay siday tahay u gali waayaan inaad idinku arrintiina xalisaan oo aanu dhiig dambe daadinin.”



Md. C/Casiis Maxamed Samaale, wuxuu si qoto dheer uga soo waramay sidii ay ku dambeeyeen kalitaliyeyaashii adduunka soo maray oo dhan, waxaanu  Madaxwey ne Rayaale uga digay inuu ku tunto shuruucda dalka.





Guddoomiye Ku Xigeenku wuxuu Madaxweynaha Rayaale uga digay inaanu  qaad in jidkii Hogaamiyeyaashii dulmiga ehelka u ahaa ee dunida soo maray ee inta  ba dan quraanku ka waramay.





Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa/Office