GUDDOOMIYE CIRRO OO KULAN LA QAATAY SAFIIRADA DAWLA DDA INGIRIISKA U QAABILSAN SOMALILAND IYO SOMALIYA

 


 


Hargeysa (TNN) :- Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga W ADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isla maanta uun gelinkii hore dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaran oo uu ugu maqnaa dalalka Mareykanka iyo Kanada, a yaa xarunta aqalka golaha Wakiilada Somaliland kulan kula yeeshay safiirada dalwadda Ingiri is ka u qaabilsan dawladaha Somaliland iyo Somaliya iyo weliba sida oo kale safiir ku xigeenka isla dawladdaas Ingiriiska u qaabilsan dalka Itoobiya oo socdaal ay ku joogay magaalada Hargeysa.

Kulan oo albaabadu u xidhnaayeen, ayaa waxa guddoomiye Cirro ku wehelinaayey guddoom iye ku xigeenka 2aad ee aqalka golaha Wakiilada Somaliland Dr.Cali Yuusuf, waxaana markii uu soo idlaaday warbaahinta uga warbixiyey u jeedka kulankaasi guddoomiyaha golaha Waki ilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo sheegay in kulankan ay safiirada kaga wad a hadleen xidhiidhka dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland, horumarka ay Somaliland ku tallaab satay muddadii ay jirtay iyo weliba sida oo kale arrimo la xidhiidha doorashooyinka iyo diiwaa n-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland.

 
“Weftigu saaka ayey yimaadeen, waxa ay la kulmayeen xukuumadda, anaguna waanu kulan ay haddeer(maanta), waxaana aanu ka wada hadalnay guud ahaan uun arrimaha Somaliland ka socda ee horumarka, diiwaan-gelinta, doorashooyinka iyo xidhiidhka Somaliland iyo dawla dda Ingiriiska,”Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).