WAR-SAXAAFADEED

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga
WADDANI Md.C abdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) oo ku hadlaaya
magaciisa, afka xildhibbaana da, hoggaanada, guddida fulinta,
garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha
xisbiga WADDANI, waxa uu hambalyo u dirayaa dawladda iyo shacabka
dalka jamhuuriyadda Jabbuuti isaga oo ugu hambalyeynaaya sannad
guurada 37 aad ee ka soo wareegtay maalintii xornimada ee ay ka
qaateen guumeystahii Faransiiska 27kii, Juun, 1960kii.
Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu boggaadinayaa
horumarka ballaadhan ee ay dawladda iyo shacabka reer Jabbuuti ku
tallaabsadeen muddadii ay xorta ahaaye en, isaga oo tilmaamay in
horumaro badan ay ka sameeyeen dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha,
arrimaha bulshada iyo ammaanka ba, waxaana uu tibaaxay in Somaliland
iyo dawladda Jabuuti
uu ka dhaxeeyo xidhiidh qoto dheer oo walaaltinimo isla mar
ahaantaana ay mar walba diyaar u yihiin siddii ay iskaga kaashan
lahaayeen dhinacyada amaanka , ganacsiga iyo xidhiidho
diblomaasiyaddeed oo si hufan oo nabad iyo wada noolaashiyo ah u
dhex mara labada dhinac.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),
waxa uu ugu dambeyntii uu u rajeynayaa dawladda iyo shacabka reer
Jabbuuti in ay sannad ka sannadkiisa ku gaadhaan barwaaqo, horumar
iyo xasilooni.
Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI
Hargeysa, Somaliland
|