Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Shacabka Somalilan d Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse

Hargeysa (TNN) :- Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna
hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro),
ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraaya guud ahaan shacabka Somaliland,
geeridii ku timi Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerso awgeed
Guddoomiyaha golaha Wakiilada
Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cab diraxmaan
M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, afka xildhibbaanada
Wakiilada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo
dhallinyarta iyo weliba guud ahaa n taageerayaasha xisbiga WADDANI,
waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland
isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle
ha u naxariistee Marxuun/ Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerso oo
muddooyinkii dambe xanu un uu u jiifay awgeed 18/06/2016 ugu
geeriyooday magaalada Hargeysa.
Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sida oo kale uu tacsi
taas la mid ah uu u dirayaa eheladdii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu
ka baxay Marxuumku, isaga oo ku sifeeyey in uu ahaa adoon wanaagsan
oo Alle ka cabsi badan, sida oo kalena taariikh weyn ku leh guud
ahaan siyaasadda Somaliland iyo weliba marxaladahii kala duwanaa ee
ay Somalilan d soo martay oo lagu tilmaansado dadkii sida weyn uga
qeyb-qaatay nabadeyntii iyo weli ba kaalintii dawladnimo ee dalka.
Ugu dambeyntii guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdillaahi (Cirro), waxa uu Marxuumka Alle uga baryeyaa in uu godka
u nuuriyo, naxariistiisii janna tul Fardowsana uu ka waraabiyo,
eheladdii, qaraabaddii, asxaabtii iyo guud ahaan shaca bka Somaliland
na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin. Amiin.
Innaa-Lillaahi wa-innaa Illeyhi raajicuun
Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI
|