Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Dalka dib ugu soo laabtay, kuna Baaqay
in lala Xidhiidho Dadka Qadiyadeena Sida Qaldan u Fahansan
Eng. Faysal Cali Waraabe isagoo hadalkiisa sii wata yaa waxa uu
sheegay in ujeedada shirka London ...........
Hargeysa (TNN)- Gudoomiyaha Xisbiga UCID eng.Faysal Cali Waraabe
ayaa Maanta Dalka Dib ugu soo laabtay ka dib markii uu Muddo laba
bilood ka badan ku Maqnaa Dalal Kala duwan.
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe oo
saaka abaaro 11:00Am ka soo degay Gagada diyaaraha ee Cigaal
International Airport ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ku soo
dhaweeyey Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Ucid oo ay weheliyan xubno
sare oo ka tirsan xisbigaas iyo taageerayaaasha xisbigaas.
Eng. Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada
ee madaarka caasimada ayaa waxa uu sheegay in ujeedada dalka uu kaga
maqnaa ay tahay dan guud isaga oo ka hadlay wada hadalada
somaliland,Somalia iyo waliba kulankii uu la qaatay madaxweynaha
dawlada ku meelgaadhka ee somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed,
waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “waxa an dalka ka maqnaa muddo
gaadhaysa laba bilood waxaanan ku maqnaa dan guud, waad ogayde enoo
waxaynu ka qayb galnay shirkii lagu qabtay magaalada London, waxaanu
ahaa shirkii ugu horeeyey ee aynu ka qayb galnay kaasi oo loo
qabanayay somliland iyo Somali”
Eng.faysal cali waraabe isagoo hadalkiisa sii wata yaa waxa uu
sheegay in ujeedada shirka Lon don laga soo saarey uu kujiro qodob
khuseeya somaliland kaas oo ahaa in somaliland iyo somali ya oo ay
wakiil ka tahay dawlad TFG-du ka wada hadlaan kana wada hadlaan
mustaqbalka labada dal iyo xidhiidhka u danbeeya ee labadaa dal
yeelanayaan.”
Sidoo kale faysal cali waraabe waxa uusheegay in arrinta wada
hadalka ee haatan taagan ay ta hay mid waji cusub leh addunkuna goob
joog kayahay taasina waxay aad iyo aad ugu baahan ta hay in
aduunkana loo macneeyo ,shacabka somaliland-na meel kasta oo uu
joogo la gaadhsiiyo.
Dhinaca kale mar uu faysal ka hadlayay xaaladda labada wadan iyo
waxay doonayaa ayaa wux uu sheegay iney jiraan dad badan oo
qadiyadeena iyo arrinaheena si khalad ah u fahamsan iyo dad sidii
saxda ahayd u fahamsan oo ina taageersan laakiin aynaan xidhiidh la
lahayn,waxaana wanaagsan dadkaa in lala xidhiidho oo laga
dhaadhiciyo inaan qadiyada somaliland ahayn mid dhibaato ku keenaysa
dadka soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaana inala gudboon n
inaynu kala garano dadka reer somaliya kuwa wax inala doonaya iyo
kuwa inaga oo horjeeda.
Intaa kadib faysal cali waraabe wuxuu ganafka ku dhiftay wada
hadalkii dhexmaray isaga iyo sh ariifka oo sheegay waxaanu yidhi
“Madaxweynaha TFG-da waan la kulmay arimaha aan kala hadl ayna waxay
ahayd arimahan qasaya qodobka lixaad ee shirkii London, kuwaas oo
lagu soo daray maamulka Garoowe wada hadaladii aynu la lahayn
dawlada TFG-da, qodobkaasina mid uu jabiyey ayey ahayd waanan kala
hadlay meel fiicana way noo maraysaa”
Isagoo eng.faysal cali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka hadlay
xaaladda Somalia iyo road map ka iyo distoorka qabyo qoraal ee
maanta oo sabti ah la filayo in loo ansixiyo Somalia waxaanu yidhi
““distoorka iyo Road Mapka wadanka somaliya waxa weeyaan wax soo
socday mudo toban sano ah iyada oo ka soo bilaabantay Shirkii Carta
ee aynaan ka qayb galin,waxaana ku xigtay heshiiskii Uganda oo Road
Map-ka lagu sameeyey isagana kamaynaan qayb galin, waxa iyaduna
jirtay shirarkii Garoowe ee 1aad iyo 2aad iyagana kumaynaan jirin,
markaa cidii ka qayb gasha shirkan lagu ansixinayo dastuurka
somaliya waxaanu u aragnaa cid somaliland ku dartay soma liya,
waxaanan u aragnaa inay tahaay cid ansixisay inay somaliland ka mid
tahay Road Map-ka waana ta la doonayo in laynagu khiyaameeyo, waana
ta laynoogu soo daray labada nin ee Puntl and ku soo dartay
wadahadalada somaliland iyo somaliya, waxaan leeyahay raga la
celcelinayo ee dhuudhuumanaya ee salaaadiinta ama cuqaasha ee ka
qayb gala shirkaa inay yihiin niman qa diyada somaliland dhirbaaxo
aan waligeed lagu dhufan ku dhuftay””
C.raxmaan Muuse Yuusuf
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|