Guddoomiyaha Xisbiga
UCID Eng-Faysal Cali Waraabe Oo Weeraray
Riyaale

Hargeysa (Longlivesomaliland
News)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarad ka ah ee UCID Faysal Cali
Waraabe ayaa si adag u naqdiyay habdhaq anka Xukuumadda ee la
xidhiidha geedi-socodka diyaar garowga hawla ha doorashada.
Islamarkaana waxa uu ku eedeeyay Madaxweyne Ray aale inuu
masuul ka noqon doono dhibaato kasta oo ka timaada dib dh ac
mar kale ku yimaada doorashada.
Gudoomiye Faysal Cali oo ku jooga
booqasho gaar ah dalka Finland wa xa uu ku dooday in haatan
beesha caalamka iyo dalka gudihiisaba laga ogaaday dhibaato ayuu
yidhi uu dalka geyaysiiyay maamulka Rayaale ee todoba jirsaday.“Wax
la is qariyaba wadanka wixii dhibaatadda ku hayay hadduu caddaaday.
Dhawr jeer ayaan hore u sheegay oo aan idhi dalkan looga imman maayo
meel kale’e, waxaan uga baqayaa maa mulka gacanta ku haya.
Maantana, waataa doorashadii laga dhaqaajin karri la’yahay,
Madaxweyne Rayaale.
Hore ayaan u sheegay in aanu diyaar u ahayn in dalkani socdo, waxay
u egtahay inuu ka soo hor jeedo qadiyadda ka soo horjeedo. Waxaan
idhi waxaa lagu sameyn karaa maamus ka xayuubin golayaashu ku
qaa daan.” Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, oo xalay u waramay
Geeska Afrika.
Gudoomiyaha UCID oo xalay khadka Isgaadhsiinta xog-waran kooban ku
siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi.
“Maantana Aduunkii iyo Rayaale ayaa iska hor yimi markii uu inagii
inaga xishoon waayay. Dastuurkii dhawri waayay, dadkii doortay ka
xishoon waayay, dalkii uu burburay. Ayaa dunidii ugu taag-la’dahay
in si doorashadu u dhacdo wax ka bedel lagu sameeyo Komishanka.”
Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in qodobkan oo ay ku
xidhanta hay dhaqaalaha beesha caalamku ku bixiso doorashada, waqti
hore oo todoba bilood iyo dheeraad laga joogo loo soo jeediyay,
balse Madax weyne Rayaale illaa waqtigaas ka cagajiidayay.
Haatana, markii ugu danbeysay caalamku shir ay arrintan go’aan kaga
gaadhayaan laba maalmood dib u riixeen. “Todoba bilood ayaa hoos
loola hadlayay oo loo sheegayay in aan la aamini karrin Komishanka,
taasoo aanu mar hare ba UCID ahaan ku talinay. Anagu waanu
bedelaye, maxaa dhacay nin wanaagsan ayaanu keenay waana la
ansixiyay.
Waxaana muuqata inay wax isla-qorshaysteen, haddaba waxaan u
sh eegayaa Rayaale iyo inta ku xeeran haddii doorashadaasi dhici
weydo maanta, deeqbixiyayaashii waxay dib u dhigeen oo eegayaan laba
ma al mood go’aankii ay ka gaadhi lahaayeen waxa ay ka yeelayaan
laca gta doorashada. Hadduu ogolaan waayo, maalinta ay
deeqbixiya yaashu yidhaahdaan waanu joojinay lacagtii doorashada
inay isagana (Rayaale) u dhamaanayso ogaada.” Sidaas ayuu yidhi
Gudoomiyuhu. Waxaana uu intaa ku daray in labadaa cisho ka dib la
ogaan doono in doorashadu ku dhacayso waqtiga loo qoondeeyay iyo in
kale. “Haddii doorasho dhici weydo, markaa waxay noqonaysaa in la
qaado waddo kasta oo xilka lagaga fur-furi karro.” Ayuu yidhi,
Eng; Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu soo qaaday dhaqaale burbur
iyo musuq-maasuq uu sheegay inuu dalka baabi’iyay mudadii maamulka
Rayaale jiray iyo iibka dhulka danta guud iyo shaqaaqadda deegaanka
Ceelbardaale. “Waad ogtihiin nabad-gelyadii iyo waxa ka dhacay
Galbe edka dalka, waxaa galbeedka ka dhacay Gacan ayuu ku leeyahay
Raya ale. Sababta oo ah meel dawladi joogto waxaas oo kale kama
dhac aan.”
Gudoomiye Faysal oo la weydiiyay haddii ay jirto tallo ama arrin uu
ma anta u jeedin lahaa Madaxweyne Rayaale waxa uu yidhi.
“Madaxweynaha waxaan leeyahay,
nin is giijiya oo gar-qaadan waaya. Cabdilaahi Yuusuf ayaa ugu
danbeeyay,.. waxaa ugu danbeeyay Siyaad Barre, ha ogolaado in
doorasho dalkan ka dhacdo,. Dadku ma qaadi kar aan toddoba
sanadood in kabadan oo danbe.waa in uu shuruudaha og olaadaa,
haddii uu ogolaan waayana waxa dalka ka dhacay isaga ayaa ka mas’uul
ah.” “Shacbigana waxaan leeyahay waa inaad hadashaan.” Ayuu yidhi .
Xigasho:Geeska
Afrika
|